(Dhageyso) Idaacadda All-shabaab Oo Si Qarsoodi Ah Wareysi Oga Qaaday Gudomiye Sidii "" Sirbadanna Wuu Bixiyay.

0

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidiid” oo Wareysi siiyay Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in  Al-shabaab ay Dhaawaceen tiro Dhowr Jeer ah,Weeraro ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.

C/qaadir Maxamed Nuur ayaa Xusay in ilaa 4 Jeer ay Dhaawaceen Shabaab islamarkaana uu ka badbaaday Weeraro iskugu jira Qaraxyo iyo mid toos ah oo Shabaabku ay ku doonayeen in ay ku dilaan sida uu sheegay.

“Waxaa jiray  Qataro badan oo iga soo wajahay Al-shabaab laakiin aan ka badbaaday.Al-shabaab Xitaa mar ayey Nolosha igu qaban rabeen”ayuu yiri Siidii.

Gudoomiyaha ayaa soo hadal qaaday in Dhaawacyadii ka soo gaaray Al-shabaab uu dalka dibadiisa u aaday gaar ahaan Dalka Jarmalka,halkaas oo iskaga soo daaweeyay.

Waa markii ugu horeysay oo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose uu ka hadlo Dhibaatooyinkii ka soo gaaray Al-shabaab,waxaana Warbaahinta uu u Xog-waramay ay noqotay mida Al-shabaab.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka:

Halkaan Riix Oo Ka Dhageyso Wareysigiisa Oo Dhan.