Gudoomiye kuxigeenka Dhinaca Arimaha Bulshada Maamulka Degmada Jowhar Xasan Baroow Bocor oo La Hadlayay Warbaahinta Gudaha ayuu ka hadlay Arimo kala duwan.
waxa uuka digay Xasan Baroow Bocor dabka in banaanka lagu shido oo qashinka lagu gubo maadama dabeylo xoogan ay ka jiraan Jowhar Hooyooyinkana ka codsanayaan inay ka taxadaraan Dabka ay shidayaan.
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Arimaha Bulshada Degmada Jowhar Xasan Bocor ayaa sheegay in Arimaha Nadaafada Afarta Xaafadood ee Degmada Jowhar ay meel wanaagsan mareyso shacabkana ay ku tartameen soo celinta Bilicda Xaafadooda.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA AAN LA YEELANAY GUDOOMIYE XASAN BOCOR: