Gabay: GARNAQSI! Waa gabay baaq ah, oo ku socda madaxda dawladda xarigga loo gaystay Col. Cismaan Cilmi Guurre "Korneel Cukaashe"

0

Waa gabay baaq ah, oo ku socda madaxda dawladda Soomaaliyeed, oo ku saabsan xarigga loo gaystay Korneel Cismaan Cilmi Guurre “Korneel Cukaashe” oo in ka badan 3bil u xiran dawladda, ka dib, gabay uu ka tiriyey musuqa ka jira wasaaradda Gaashaandhigga. Gabayga Garnasi waxaa tirey;

Abwaan Cabdiraxiin H. Galayr ee bal nala daawada.

Sidoo kale, Hal abuurka Soomaaliyeed in iyaguna kaalintooda ka qaataan, sidii loogu doodi lahaa dhibbane Korneel Cukaashe, illaa uu dib xorriyaddiisa uga helayo.Gabaygan waa gabay aan ugu doodayo, anoon qareen ahayn Dhibbane; Cukaashe, oo ku xiran xabsiga Dhexe, ee Xamar

1. Gar baa lagu dhigtaa gabayga, Waa lagu garaabaaye

2. Godob adiga kaa maqan ayaa, Gabaygu keenaaye

3. Gefkaa lagu saxaa qalad gedmadey, Gabay hilaaddiise

4. Geedkaa la geeyaa murtida, Godolba xaalkeede

5. Waxa aad ka giigtee qalbigu, Gama’ hurdoon waayo

6. Ee Gulucda ku reeba baa, Lagu gorfeeyaaye.

7. Bal soo gudbiyo dulucda guud, waa Gedaan rabo e

8. Oo aan go’aammada ugu dego, Gar iyo xeeshayda

9. Garta hadafka Soomaaliyeey, Waa galbinayaaye

10. Garsoorka iyo Gaashaandhiggoow, Garo Ujeedkayga

11. Guddoonsha dalkoow maqal garbaan, Geedka soo dhigaye.

12. Taladii gedmani ma hurto abid, Guud caddaa gala’e

13. Gadhmadoobe odayaala iyo, Guurti loo xula’e

14. Godob li’i u ayaa lagu dhaqa, Gororka xaalkeeda

15. Go’aankana waxaa lagu ridaa, Kii gefkaa dhigay.

16. Aniguna geddii baan ahaye, Maqal guddoonkayga

17. Oo gogoldhig weeyee murtida, Gunud tilmaamteeda.

18. Geddigeed adduunyada heshiis, Guuda baa jira’e

19. Shaqaalaha mid gaaraa u yaal, Goob u joogaba’e

20. Gunno iyo mushahar bay helaan, Googo’ lacageede

21. Bil kastoo go’daba waa iney, Gaadho gacantoode

22. Iyagana xil gudashaa dultaal, Waajib geliddiise

23. Goolkay dhashaa laga helaa, Guul is garabtaal.

24. Waa go’aan dastuuriya waxay, Gocoto laabtaadu.

25. Xisbi adiga kuu gooniyiyo, Ururro guuleedka

26. Qof kastaba geddii inuu xoryahay, Lana guhaadeyne

27. Afartaa Garnayl aan ridiyo, Gumuc rasaaseed dheh

28. Gaydh soo dhacaysiyo dabayl, Guuxda weligeed dheh

29. Gariir danaba, guguciyo sanqadho, Galalacdii roob dheh

30. Gabaxlaha gu’goo hoorayoo, Guday habeenkii dheh.

31. Afar kale askari gayfaniyo, Guusha kii waday dheh

32. Bal aan galo wax gudi karaan, Galaba xaalkeede

33. Garaad waa ogyahay ruuxa lehi, Gocorse yeelkiiye

34. Inagoo gam’aynoo hurdada, Jiifna gurigeena

35. Iyagaa geyiga cadow ka jira, Guura bahalayne

36. Iyagaa gantaalaha dhaciyo, Gumaca boodaaya

37. Gaaddada u dhiga oo u go’a, Guriga hooyaade

38. Iyagaana geerida ka jecel, Nolosha Goobkeede

39. Gabadannada iyagoow hoyda, Gu’ iyo jiilaale

40. Gogol iyo sariir waxay bidaan, Ciidda guradeede

41. Gawaan waxay Jiifsadaan, Buura guradood

42. Geedaha ay weheshadaan, Goor iyo ayaane

43. Cidlaay gaaf wareegaan markaan, Jiifno gogosheene

44. Geyigiyo dhulkeennay jiraan, Cadow ka gaarshaane

45. Waa gaadh-hayaha noo dirane, Guudka noo jira’e.

46. Afartaa go’aankaan rabiyo, Gar iyo xaalkeed dheh

47. GOD DALOOLA noo muuqata, Gole ka sheegeed dheh

48. Geddii lagu yiqiin geeskayaga, Ga iyo waawgeed dheh

49. Farriin gaar ah, hadal guurtiyeed, Maanso gororkeed dheh.

50. Afar kale midhkay gubayayee, Ganaya jiidhkay dheh

51. Geesiga Cukaasha ah hadduu, Taabtay Godobtiina

52. Geeshkii dalkeenniyo askari, Gooba cadowgeenna

53. Galiilyadiyo ciilkay qabaan, Gabay ku faalleeyey

54. In la gebagebaayaa dadyahaw, Saw gef noqon mayso

55. Gaashaammadoo laga rifaa, Saw gef noqon mayso

56. Garbaduub in loo xidho dadyahaw, Saw gef noqon mayso

57. Gaalshire in loo diro dadyahaw, Saw gef noqon mayso

58. Xabsi iyo guhaad inuu arkaa, Saw gef noqon mayso

59. God mugdiga in hooy looga dhigo, Saw gef noqon mayso

60. Gardarriyo xumaan lagu falaa, Saw gef noqon mayso

61. Inaan gacan dambeedshaa, Dadyahaw saw gef noqon

mayso!

62. Mar haddii garaam aanu jirin, Guri hoyaadkiisa

63. Mar haddii geddii lagu ballamay, Aan la gudanaynin

64. Mar haddaan go’doon xaalku yahay, Saw gunnimo maaha

65. Mar haddaan gabaahiir la dhigay, Gocorna loo buuxshay

66. Mar haddii go’aankeennu yahay, Cadowga Guuleysta

67. Afrikada gabrani way helaan, Ginigii lacageede

68. Gaajo iyo diif lama tusiyo, Gocosho xaalkeede

69. GUULWADAHA Soomaaliyeed, Yaa la gaasiraye.

70. Afartaa askari geyfaniyo, Geeshka hadalkii dheh

71. Godobtii Cukaashiyo gabyaa, Gole ka sheeggii dheh

72. Gardarrada hoggaankiyo dhibkii, Gaadhay gacalkay dheh

73. Farriin gaar ah, hadal guurtiyeed, Maanso gororkeed dheh.

74. Afar kale guul ciidankeen, Gaadhay hadalkeed dheh

75. Askarigu wuxuu noo galiyo, Lama gudbaankeed dheh.

76. Galabtii Maxkamaddii galeen, Guuta bahalaydu

77. Gafuur duubtu ay galalafeen, Gumucu qiiqaayey

78. Iyagaa gudaha dalaq yidhoo, Laayey gebigoode

79. Iyagaana shacabkii ku guray, Guudka dhabarkoode

80. Afrikaanku waa tuu ka guday, Goobta dirireede

81. Waa teey gabbanayeen kolkii, Guuxu uu baxaye

82. Gawaarida waa tay gurteen, Gebi dhuunteene

83. Geesinnimada jayshkii lahaa, Guusha heliddeede

84. Garaaddiyo ammaan maysan helin, Guudka loo sudha’e

85. Garaamkoodii baa gaabis galay, Guunyo kale daaye.

86. Baarlamaanka galabtii la galay, Gudaha loo buuxay

87. Gaaddada ragboow dhigay dilkoo, Geeri doorbidaye

88. Gaadhiga darbuu jiidhayoo, Gaasas buu maraye

89. Xildhibaanku goortuu ka dhacay, Daaqadaha gaadhan

90. Ragbaa dhiiga goobtaa ku baxay, Daadshay gacaloowe

91. Godka loo Janneeyey dhaheen, Guud ahaan shacabe

92. Gaashaandhiggiyo baan ogeyn, Gole Wasiiraade

93. Guddoonshaha dalkeenannaan garan, Geeshka aad tahaye

94. Afrikada ayay garab bidaan, Magac la goobaane

95. Geesiga u dhimanaaya bay, Abid giriifaane

96. Waxaan uga gol leeyahay dadyahaw, Waad I garateene

97. Gabaygii Cukaashiyo midkaan, Caawa gole keenay

98. Waa dhaqan gobeedoo murtida, Lagu gorfeeyaaye

99. Waa xeerka Geeska Afrikiyo, Gebiba Soomaale

100. Waa godob ku reebkii afkiyo, Xaqa garsoorkiiye

101. Fadhigaaga ruux kaa gudbee, Goob xun kugu dhaafa

102. Goortaad istaagtana ma helo, Xaalka kuu gara’e.

103. Aan soo gunaanado murtida, Gaabsho hadalkayga

104. Guddoonshaha dalkoow maqal adaan, Kuu gol leeyahaye

105. Gaashaandhiggoow maqal adaan, Kuu gudbinayaaye

106. Garsoorkiyo dalkoow maqal xaq, Waa lama gefaankiiye

107. Golihii shacbigoow garo adaan, Kuu galiin ahaye

108. Godka waa in laga soo baxshaa, Geesigaa xidhane

109. Waa inuu garaaddiyo helaa, Xaal Gob loo huro’e

110. Waa inuu xornimo gaara iyo, Sharaf guddoontaaye

111. Waa inuu geddii lagu yiqiin, Gaadho meel sare

112. Haddii kale Geddii gocorradiyo, Waa guni weyne

113. Kacaankii gefaad noqonaysaan, Guutadii hore

114. Gafuurduub ayaad ehel tihiin, Guudka Qaaciddo

115. Garbaduud ayaad noo xidheen, Geed qudhaanjo leh

116. Garangoori baad noqoneysaan, Ganaysa jiidhkeene

117. Go’aankeennu waa laba midkaad, ee guddoonsada.

W/C: Cabdiraxiin Hilowle Galayr