DHAGEYSO:- Uganda oo adkeysay amaanka dalkeeda iyo weeraro laga baqayo in Alshabaab ay ka geystaan.

0

 Dowlada Uganda ayaa sheegtay inay adkeysay amaanka dalkaasi, inta lagu gudo jiro maalmaha dhamaadka December oo ay u aqoonsan yihiin inay tahay ciida Karismaska, sida ay sheegeen laamaha amaanka dalkaasi.

Taliyaha ciidamada booliska Uganda Kale Kayihura ayaa u sheegay wargeyska New Vision inay amreen ciidamada amaanka inay si weyn u adkeeyaan amaanka dalkaasi in ta loo dabaal dagayo maalmaha fasaxa Karismaska,

“Waxaan amray in saraakiisha amaanka ay adkeyaan amaanka guud ahaan ee dalka Uganda, dadka waa inay ka           qeyb qaataan adkeynta amaanka”sidaasi ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska ee Uganda.

Wuxuu kaloo sheegay inay ku wargeliyeen goobaha dadweynaha isugu yimaadaan in aad loo adkeeyo si looga hortago weeraro dadkaasi loo geysto, sida uu sheegay taliyaha booliska Uganda.

General Katumba Wamala, oo ah taliyah ciidamada difaaca Uganda ayaa dhankiisa digniin kasoo saaray in dadka ay tageen goobaha damaashaadka, iyagoo aan ka kirin weeraro kaga imaan kara ururka Alshabaab.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com