Mooshin Keen & Mooshin diid Manoo danbaa ?

0

Soomaaliya Waxaa soo wajahay Xaalad Adag Markii ay Burburtay Dawladii Kacaanka, Waxaana uu Dalka Soomaaliya uu Cagaha lagalay Qalalaase Siyaasadeed kaas oo ilaa iyo hada laga soo kaban layahay, waxaana Dadka Soomaaliyeed gaaray dhibaato xoogleh taas oo Horseed u noqotay in la arko marwalba Siyaasiyiinta Soomaaliya oo isku qilaafsan waxyar oo Xalkoodu dhowyahay Marka dambase curyaamiya Shaqada Markaasi Dalka ka socota.

Tan iyo Markii Soomaaliya loosoo jeestay in loo dhiso Dawlado kala dambeeyay oo midba Meel wax soo gaarsiisay waxaa Dalka ka jiray Khilaaf muuqday oo marwalba ay ku kala tagayeen Madaxwaynaha & Ra’iisulwasaarihiisa uu shalay kasoo xulay Umada Soomaaliyeed kaas oo uu Marka uu Baarlamaanka ka gadayo uu sheego Madaxwaynhu inuu yahay Shaqsi kasoo bixi kara Hawlaha adag ee Dalka kajira Sidoo kalena fulinkara balanqaadyada uu Sameeyo Madaxwaynuhu xiliga uu kujiro Doorshada.
Dib umilicsiga Ra’iisulwasarayaashii Soomaaliya.

Umadaha Daneeya Arimaha Soomaaliya oo Kaashanaya Dawladaha Dariskaa waxay isku dayeen in Soomaaliya laga saaro Qalalaasaha Siyaasadeed ee ay gashay 1992, iyadoona ay Jireen Isku dayo Badan oo lugu Dhisay Dawlado KMG oo kala Dambeeyay, waxaana Shirar Muhiim ah oo arimahaas gundhig u ahaayeen lugu qabtay Dalalka Dariska la ah Soomaaliya Sida Itoobiya, Jabuuti, iyo Kenya.

Dhamaan Shirarkii lugu soo dhisay Dawladihii KMG ahaa ee Beesha Caalamkuna Garwadeenka ka ahayd, waxaa lugu Doortay Madaxwaynayaal , kuwaas oo Khilaafyo Jiray Aawadood isugu badalay Ra’iisulwasarayaal badan kadib Markii ay isku fahmiwaayeen habka Shaqada.

Dr Cabdiqaasin Salaad Xasan oo ka mid ah Madaxwaynayaashii Soo Hogaamiyay Dawladihii KMG ahaa ayaa Afarsano gudahood isku Badalay 3 Ra’iisulwasaare oo kala ahaa Raiisul wasaare ee Dr Cali Khaliif Galaydh, Xassan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf.

AUN Col Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo isna kasoo Midnoqday Madaxwaynayaashii hogaamiyay Dawladihii KMG ahaa ayaa isna isku Badalay 3 Ra’iisulwasaare oo kala ahaa Professor Cali M Geedi, Nuur Xassan Xuseen iyo Maxamed Maxmuud Gamcadheere, inkastoo gacmo dheere 24 Saac gudaheed uu is casilay kadib markii looga digay in xilkaas uu qabto (Hanjabaadaas waxay katimid dowladaha deriska iyo beesha caalamka oo doonaya in dowladda oo dhan laga takhalusiyo.

Shiikh Shariif SHiikh Axmed oo isna kasoo midnoqday Madaxwaynayaashii Dawladihii KMG ahaa ayaa isna ku Badalay 3 Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Prof Cabdiweli Cali Gaas oo ay wakhtigooda dhamaysteen, iyadoo Madmadoow jiro.

Madaxwaynaha haatan talada Dalka Haya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa hada waxaa Khilaaf xoogaystay u ka dhexjiraa isaga iyo Ra’iisulwasaarihiisa Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed, iyadoona Madaxwaynhu uu Horay u eryay Ra’iisulwasaarihii kan ka horeeyay Cabdi Faarax SHirdoon oo Codka kalsoonida Baarlamaanku kala laabteen kadib Mooshin Madaxtooyada laga soo abaabulay.

Mooshin Maxaa ku baxa?

Mooshinka aad maqlaysaan ee Baarlamaanka Soomaaliyeed kala qaybiya oo ka dhiga labada garab waxaa ku baxa dhaqaale farabadan kaas oo dalku u baahanyahay in wax loogu qabto.

Dhaqaalaha Mooshinka ku baxa ayaa lahubaa in looga Faa’iidaysankaro dhinacyo badan sida Dadka Dalka gudihiisa dhibaatooyinku ku haystaan ay abaaruhu ugu horeeyaan, la dagaalanka dhinacyada Dawlada kasoo horjeeda & Beekhaaminta Mushaaraadka Ciidamada Soomaaliya ee ka cabanaya kharash la’aanta.

Mooshin Keen & Mooshin diid Manoo danbaa ?!!!

Hadaba SHacabka Soomaaliyeed ee la daalaadhacaya Dhibaatada ku ragaaday, Dan mawtahay in Sanad gudihiis ay maqlaan Madaxdii oo ishaysata & Mooshin hadba qolo soo abaabalayso.

Waxaa hubaal ah in Dalkan uu u baahanyahay Madax u Bisil hogaaminta, kana fakara Danta Guud dan gaarkaana meel iska dhiga.

Shacabka Soomaaliyeed dan uma ahan inay arkaan Marwalba Madax ishaysta iyadoona taasi ay hanjab ku tahay dadka jecel inay arkanaan Soomaaliya oo mar cagaheeda dib isugu taagtay.

Baarlamaanka Soomaaliyeed ee dhan 275 Xubnood lagana Soo xulay 18 Gobol ee Soomaaliya ayaa dhankooda looga baahanyahay inay kusocdaan wax walba oo dan u ah SHacabkaan la daalaadhacay Qalalaasaha Siyaasadeed ee Dalka ku raagay.

Barlamaanka Soomaaliya ee hada isku Khilaafsan Mooshinka laga keenay Xukuumada , ayaa horseedi doonta hadaan laga hortagin Burbur Siyaasadeedoo soo wajaha Hay’ada Sharci dajinta Dalka, kaas oo Khilaafkiisa oo sii xoogaysta uu daryeel u yahay Qalalaasaha Siyaasadeed oo sii xoogaysta.

Gunaanad

Shacabka Soomaaliyeed oo ah Shacab ku daalay Siyaasiyiintooda marba dhinac Siyaasadu ula gabi dhaclaynayso, waxaa ay doonayaan bisayl ku yimaada Midnimo iyo Isku tanaasul laga helo 3 Masuul ee Dalka ugu saraysa, kaas oo dalka ku hagaya Wadada Hormarka.

Haddaba waxa ay ila tahay in khilaafka xal loo heli karo, cidda laga doonayo inay xalka keenaana ay tahay Madaxwaynaha iyo Ra’iisulwasaaraha , sidaa darteed waxaa lama huraan ah in MW iyo RW ay wada fariistaan iyaga oo keligood ah kadibna qiimeeyaan heerka uu gaaray is maandhaafkii dhexdooda ahaa iyo saamaynta uu ku yeeshay hanaanka dawladnimo, kalsoonida dadweynaha iyo taageeradii beesha caalamka, iyo raadka baahidda khilaafku ku yeelan karo mustaqablka dadka iyo dalka Sooaaliyeed, kadibna ay ka arrinsadaan qaabka ugu haboon oo ay ku xallin Khilaafka u dhexeeya, waxaanan kaslooni badan ku qabaa in haddii ay si sax ah isula miisaamaan xaaladda uu dalku marayo iyo duruufaha ku xeeran ay gaari karaan heshiis taariikhi ah oo in badan lagu xasuusan doono, taa badalkeeda waa wadadii uu ka digay odaygii Soomaaliyeed “waar maanta fursad ayaan haysanaa ee yaanan fursadda la dayicin.

Hadii Arimaha Socda ee Khilaafka oo hada intii ay xooga usoo shaac baxeen ay gaarayso 1 bil ay soo socdaan waxaalaga dhaxlayaa Dawladnimada oo Halka ay hada Joogto hoos uga sii dhacda, AMniga Guud ee Dalka oo Faraha ka baxa Maadaama aysan inta badan Xafiisyadii Dawadu shaqo kaso haba ugu horeeyee kan Baarlamaanka Soomaaliya oo Markii 3aad buuq iyo Sawaxan uu ku dhamaaday Mooshin la doonayay in Xukuumada lugu rido.
Wabilaahi Tawfiiq
WQ Maxamed Jaamac Faarax
Email:- Shaash65@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com