Baghdad (AGGM): Magaalada Baqdaad, waxa uu shaki weyn ka jiraa sida uu u socda dagaalka ay dowladdu kula jirta jabhadda Islaamiga ee Daacish.
Suniyiinta jihaad doonka ah ayaa guulo ka gaaray dagaalka gudaha dalkaasi Ciraaq, waxa ayna qabsadeen marin muhiim ah oo ku yaalla xudduudda uu dalkaasi Ciraaq la wadaago dalka Suuriya, waxa ayna ku sii siqayaan magaalada Baqdaad, iyaga oo sii maraya dooxada Yufraad.
Sawirada soo baxaya ayaa muujinaya in jabhada Islaamiga ah ee Daacish, ay tababar iyo hub ahaanba ka wanaagsan tahay, isla markaana ka khibrad roontahay ciidammada dowladda Ciraaq.
Jabhada Daacish ayaa sameysatay goobo qarsoodo ah, oo intooda badan ku yaalla gudaha dalka Suuriya, waxaana Mareykanka ku adkaan doonto in uu si wax ku ool ah u duqeeyo goobahaasi.
Mareykanka ayaa 18-kii bilood ee lasoo dhaafay ka walwalsanaa jabhada daacish, balse waxaa lagu soo warramayaa in uu howlgaladooda dusha kala socday labadii todobaad ee lasoo dhaafay.
Dhinaca kale, ciidammada cirka ee Ciraaq ayaa laba todobaad ka hor waxaa ka dhammaaday gantaallada uu Mareykanka siiyo ee loo yaqaano Hellfire, waxaana ay dowladda Ciraaq sheegtay in Mareykanku uu ka caga jiidayo in uu gantaalladaa ka bedelo, maadaama ay Ciraaq leedahay oo keliyah laba diyaaradood oo gami kara gantaallada noocaas ah.
Xoogagga Daacish ayaa dhankooda leh rag u badan ajaanib, oo diyaar u ah in ay isqarxiyaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com