Muqdisho (AGGM):Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golah shacabka ee magaalad Muqdisho ayaa ka doodday hindise sharciyeedka xuduudaha iyo federaalka oo dhawaan xukuumadda soo gudbisay.
Kulanka oo uu shir-guddoominayey, afhayeenka baarlamaanka maxamed Sheekh cismaan Jawaari, ayna soo xaadireen 141 mudane ayaa guddi gaar ah loogu xilsaaray eegista hindisaha.
Gudoomiye Jawaari ayaa xildhibaannada u sheegay in maalinta berri ay sii socon doonto doodda qodobkan, ilaa laga ansixinayo ama laga diidayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com