Balanballe (AGGM):Guddoomiyaha dowladda ee degmada Balanballe Hareeri Xasan Barre oo ka hadlayay colaadaha ka jira deegaanno kamid ah gobalka Galgaduud gaar ahaan deegaanno hoos yimaada degmada Balanballe.
Hareeri Xasan Barre ayaa waxa uu sheegay in lagu guuleystay in ciidamada la kala qaado isagoo intaasina ku daray in qofkii qof kale dila sharci adag laga soo saaray oo la dili doono.
Isku soo wada duuboo dhamaan qeeybaha bulshada ayaa colaadahan ka aloosan gobolka Galguduud waxa ay ka soo saareen baaq nabadeed iyo in si deg deg ah lagu joojiyo dagaalka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com