Muqdisho (AGGM):Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ee Unuga Koowaad ee Degmada Qansax Dheere Cali Xaaji Cali (Cali Bool) ayaa waxa uu ka hadlay Dhibaatooyin Ciidan Yari ah oo ku heysato halkaasi.
Waxa uu Taliyuhu sheegay inaysan Awood U laheyn inay iska Caabiyaan Shabaabka dagaalka kula Jira.
Taliye Cali Bool ayaa Hoosta Ka Xariiqay in ciidanka ay Heystaan uu yahay mid gaaraya 80 Askari xitaa marka lagu daro Askarta Xaafadaha Ilaaliya ee Madaniga loo yaqaano.
Isku soo wada duuboo Xukuumada Soomaaliya ayaa waxa ay ku fashilantay inay wax ka qabato Dhibaatada baahsan ee mar walba soo wajahda Ciidamada Xooga Dalka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com