Dhageyso: Salaad Cali Jeelle “Dowladda Ayaa Ka Mas’uul Ah Dagaalada Shabeellaha Hoose”.

0

Muqdisho (AGGM): Ex Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Dowladdii KMG aheyd ahna Siyaasi ku Nool Magaalada Muqdisho ayaa Dagaalka Gobolka Shabellha Hoose ku Eedeeyey in ay ka danbeeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in uu aad uga Xun yahay sii socoshada Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana uu Codsaday in la Joojiyo dagaalka.

Ex Xildhibaanka ayaa waxa kale oo uu sheegay  in isku Dhacyada Beelaha daga Gobolka ay keento Maamulada Dowladda ay u Magacaabeeyso halkaasi,waxaana uu ku baaqay in Fursad la siiyo Dadka ku nool Gobolka si ay iyagu u soo Doortaan Qofka ay rabaan,taasi oo yareen karta in dagaalo beeleed dhacaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com