Taleex (AGGM):Mukhtaar Xirsi Jaamac oo ah xubin kamid ah maamulka Khaatumo ayaa sheegay in ay iska caabiyeen ciidamo ka tirsan Somaliland oo soo weeraray magaalada Taleex ee gobalka Sool.
Magaalada taariikhiga ah ee Taleex ayaa waxaa ka soconayay shir-weynaha Khaatumo 3 oo ay ka qeyb galayaan wufuud kala duwan kuwaasoo ka arrinsanayay sameynta maamulka Khaatuma State.
Ciidamada ammaanka maamulka Khaatumo State ayuu sheegay inay xaqiijinayaan ammaanka magaalada Taleex ee gobalka Sool, xarunta maamulka Khaatumo State.
Isku soo wada duuboo maamulka Khaatumo State ayaa teer iyo shalay waxay ku soo daabulayeen ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo fara badan magaaalda Talex iyo nawaaxigeeda.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com