Muqdisho (AGGM):Shalay ayay ahayd markii magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya uu Shir jiraa’id ku qabtay horjooge Max’ed Saciid Atam oo ka tirsanaa falaagada Al-shabaab gaar ahaan kuwa ka dagaalama Buuraha Gal-gala ee deegaanada Puntland.
Isdhiibitaankiisa ayaa waxaa ka hadlay qaar kamid ah Aqoon yahanada Soomaaliyeed ee ku nool Deeganada maamulka Puntland.
Cabdi Fitaax Cismaan Cige oo ka mid ah Aqoon yahanada Deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegay in isdhiibitaanka Shiekh max’ed Saciid Atam ay keentay Khilaafka u dhaxeeya Al-shabaab.
Isku soo wada duuboo Waxaana uu tilmaamay in Khilafka Al-shabaab uu yahay mid keeni kara in Saraakiisha Al-shabaab sidaan si la mi ah ay isku soo dhiibaan Dowladda Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com