Kampala (AGGM): Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed iyo Wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Max’ed Sh Cismaan Jawaari ayaa kulan ku qaatay Magaalada Kampaala ee Dalka Ugaandha.
Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay Siyaasada Dalka Soomaaliya iyo sidoo kale Sababta Madaxweynihii Dowladdii KMG aheyd Sh Shariif Sh Axmed uu uga Aamusay Siyaasada Dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Yacquub Max’ed Cali oo ka mid ah Wafdiga Baarlamaanka ee la kulmay Madaxweynihii hore ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay in Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu Jawaari u sheegay in Sababta uu Siyaasada uga Aamusay ay tahay in ay Fursad helaan Siyaasiinta iyo Dadka Dowladda Hogaaminay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com