Dhageyso: Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Deegaano Hor Leh Oo Ka Tirsan Gobolka Bakool.

0

Xudur (AGGM): Ciidamada Dowlada Soomaaliya Ee Gobolka Bakool ayaa iyo Kuwa Al-shabaab ayaa Ku dagaalamay  Tuulooyin Hoostaga  Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool.

Dagaal Mudo Qaatay ayaa maanta Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ku Dhexmaray Tuulooyin hoostaga Degmada Xudur,waxaana Dagaalka uu Geeytay Khasaaro kala Duwan.

Max’ed Macalin Axmed oo ah Gudoomiayaha Degmada Xudur oo la hadlay Idaacada Kulmiye  ayaa sheegay  in Dagaalka Ciidamada Dowladda ay qaadeen islamarkaana ay la wareegeen Deegaano hore Shabaabku  Maamuleen.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Maalmihii ugu danbeeyey Dagaal Ciidamada Dowladda iyo kuwa Shabaab ku dhexmaray qeybo ka mid ah Degmada Xudur lagu Dilay ku dhawaad 70 Dagaal yahan oo Al-shabaab ah.

Shalay ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maleeshiyada Al-shabaab waxaa ay ku Dagaaleen Deegaano ka tirsan Gobolka Bakool,dagaalkaas oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Guulo ka sheegteen.

Source: RK

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com