Dhageyso: Dagaal Beeleed Markale ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.

0

Marka (AGGM): Dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana lakala Safan Labo Qabiil ayaa ka dhacay Deegaanka Ceel Wareegoow ee Degmada Marka Hoostaga.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu Geeystay Khasaaro Xoogan oo kala gaaray Labada Dhinac iyo sidoo kale Dadka Shacabkaa ee halkaa ku nool.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dagaalamay ay yihiin Ciidamada Milatariga Soomaaliya islamarkaana Labo qabiil kala Taageersan.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya Wali ka ma hadlin Dagaalka mar kale dib oga qarxay Qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com