Dhageyso: Madaxweynaha Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Dalacaada La Siiyay Askarti Ku Dhimatay Iyo Kuwii Ku Dhaawacmay Baarlamaanka Si Kala Duwan Uga Hadlay.

0

Muqdisho (AGGM): Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Taliyaha ciidanka booliska ayaa dalacaada la siiyay ciidami ku dhintay difaaca Baarlamaanka iyo kuwii ku dhaawacymay waxay uga hadleen siyaabo kala duwan oo isqilaafaya.

Taliyaha ciidanka Booliska Gen.Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa waxa uu sheegay laba maalin ka dib weerarki Baarlamaanka  in uu min laba darajo dalacsiiyay askartii ku dhaawacantay halka askartii ku dhimatayna uu sheegay inuu gudi u saaray.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay ka hor sheegay Baarlamaanka Soomaaliya in uu min laba darajo dalacsiiyay ciidanki ku dhintay difaaca baarlamaanka halka kuwa ku dhaawacmayna uu dalacsiiyay min hal darajo.

Dhacdadan ayaa waxa ay ku tusayaa iska warqab la’aanta saraakiisha ciidamada dowladda iyo madaxda ugu sareeysa dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com