Muqdisho (AGGM):Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdifitaax Ibraahim
Shaaweeye loogu magacaabay taliye ku-xigeenka ciidanka nabad-sugidda gobolka Banaadir.
Wareegtada lagu magacaabay taliye ku-xigeenka oo soo gaartay Warbaahinta ayaa soo baxday 03 June, 2014.
Cabdifataax ayaa horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka gobolka Banaadir intii u dhexaysay sanadihii 2007 ilaa 2009, xilligaas oo uu guddoomiyaha gobolka ahaa Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Xabeeb.
Wuxuu sanadihii dambe ku noolaa dalka Ingiriiska ka hor intii uusan dhowaan ku soo noqon dalka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com