Caabudwaaq (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in magaaldaasi ay ku hoortay Nimco Rabbi oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada magaaladaasi iyo deeganaada ku xeeran .
Nimcadan Rabbi ee ku hoortay magaalada Cabudwaaq iyo nawaaxigeeda ayaa waxa ay biyo dhigeen gudaha magaalada iyo daafaheeda.
Dhinaca kale Guud ahaan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu ku sugnaa xaalad abaareed ka hor inta aan Nimcadan Rabbi ku hoorin.
Isku soo wada duuboo Deeganada ay Nimcadan Rabbi ku hoortay ayaa waxaa ka mid ah Dhabad, Qorof weyne, Ramalo, Yamaarugleey, Duuban, Uurmadag, Godane, Dafle, Dilinbaa, Eelaay, burgoosoole, Raqo, golweyn, Cilaanle, Jeed, Balanbal iyo Ceeldibir.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com