Kismaayo (AGGM): Waxaan halkaan idinku soo gudbinaynaa muuqaal muujinaya R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo dhaanto la ciyaaraya Axmed Madoobe.
R/wasaare Cabdiweli Sheekh Dhaantada Uu La Ciyaaray Axmed Madoobe, Soo Kama Dhigna Inuu Ku Abaal Marinayay Dilkii, Dhicii, Kufsigii, Bur-burintii iyo Barakicintii Baahsaneed Ee dadka ka soo jeeda Beelaha kale ee Soomaaliyeed ee dagan magaalada Kismaayo uu ku hayo Axmed Madoobe?
Barxada uu R/wasaare Cabdiweli ku ciyaarayo dhaantada waxaa ku dhagan arday Soomaaliyeed oo u badan beeshiisa oo aan waxba galabsan kuna xiran meeshaas mudo dheer.
Ardaydaasi iskadaa inuu u damqado ama wax ka qabtee waxuu ugu daray sidii ay ku jireen sawaxan, dhaanto iyo weliba qoob kiciyaar, asagoo ku dhaartay inuu ummada Soomaaliyeed u cadaalad fali doono.
Haddaba ardaydi maxaabiista ahayd ee sugaayay gar gaar uga yimaada Dowladda Soomaaliyeed abaalkooduna noqday in lagu kor dhaanteeyo, ninka noocaas ah Soomaali ma u cadaalad fali karaa?
Halkaan Hoose Ka Daawo Cabdiweli Oo Dheelaya Dhaanto Uu Aqoon.
Dhinaca kale goobta uu R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ku ciyaarayo dhaanatada waxaa ku xiranaa mudo 4 bilood ah saraakiil iyo ciidamo ka tirsan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed mana uu booqan.
Halkan hoose ka dhageyso qeylo dhaanta Col. Maxamed Buule.
Haddaba Dadka ku difaacaya Cabdiweli Sheekh qabiilka iyo qabyaalada ma u muuqan weeysay intaas oo dhib ah oo uu geestay iyo in kaloo badan oo uu dhawaanahan soo wado?
Isku soo wada duuboo akhristoow waa taas tan kaliftay inaan ugu yeerno Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed, mar haduu ka soo dhalaali waayay xilkii loo idmaday. La Mood Noqonse Waa haddii aad u haysaan magac kale bal noo soo gudbiya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com