Bosaso(AGGM)Faahfaahintii ugu horeysay ayaa ka soo baxaysa qarax culus oo goor dhaweyd ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo lala beegsadey baabuur ay wateen ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaan (SARACEN), waxaana wararku sheegayaan in uu qaraxu ahaa mid uu fuliyey qof isqarxiyey kaasi oo watey Mooto ama dhug-dhugley.
Qaraxan oo ahaa mid aad u culus oo dayaankiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Boosaaso wuxuu ka dhacay goob aad u mashquul ah oo u dhaxeysa Xawaalada Amal & Isgoyska Daarsalaam, waxaana wararkii ugu horeeyey ay sheegayana in khasaare balaaran oo isagu jira dhimasho, dhaawac & burbur hanta uu geystey.
Ilaa iyo haatan waxaa qaraxa ku dhintey 10 qof kuwaasi oo qaarkood meydkoodu gubtey, waxaana dhaawaca haatan lagu daaweynayo Isbitaalka magaalada Boosaaso uu ka badan yahay 20 qof, waxaa dab ka dhashay qaraxa uu gaaray baabuurtii ay wateen ciidamada iyo kuwa kale oo shacab, iyadoo qaarkood haatan gubanayaan.
Ciidamada amaanka Puntland oo goobta soo gaaray ayaa xiray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana guud ahaan la xiran wadooyinka aagaasi soo gala ama ka baxa, iyadoo goobihii ganacsiga albaabada la isugu laabay.
Rasaas goos goos aha yaa la maqlayaa iyadoo jawigu uu aad u kacsan yahay, waxaana dad aad u fara badan ay isagu tageen Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso si ay u eegaan ehelooda ama dad ay garanayaan oo wax ku noqdey mashaqadan maanta ka dhacday magaalada Boosaaso.
Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay intaasi ka sii badato maadama dadka dhaawaca ah qaarkood ay qabaan dhaawacyo halis ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com