Top News: Magaalada Kismaayo Oo Xalay Bandow Lagu Soo Rogay.

0

kismaayo21Kismaayo (AGGM): Bandow aan la sii qorshaynin ayaa xalay  ka dhaqan-galay magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolka Jubbada Hoose,kaas oo yimid kadib markii uu aamar ku saabsan bandowgaasi ay soo saareen horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Sida warku sheegayo wixii ka dambeeyay 6-dii maqribnimo ee xalay ayuu billowday bandowgaasi, kadib markii Horjoogeyaasha maleeshiyo beeledka Raaskambooni ay ganacsatada magaalada Kismaayo ku amreen inay goobahooda xiraan, islamarkaana sidoo kale amray joojiyinta dhaq dhaqaaqa dadwaynaha iyo isu-socodka gaadiidka.

Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaan wali ka hadlin bandowga xalay lagu soo rogay magaalada Kismaayo, in kastoo ay jiraan warar sheegaya in laga yaabo in  saacadaha soo socda ay ku  dhawaaqaan amaba la shaaciyo maamul been abuur ah oo dadka deegaanka aysan u dhameen laguna heshiin,warar kale ayaa iyana sheegaya in wali uu muran dhexdooda ka taagan yahay Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni sida uu inoo xaqiijiyay goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo.

Isku soo duuboo hadii maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ku dhawaaqaan maamul iyo wasiiro ayaa waxaa dhici karta inay dib uga soo cusboonaadaan deegaanadaas dagaalo sokeeyo oo hor leh, maadaama beelaha ku sugan gudaha iyo daafaha magaalada aysan aqoonsan doonin waxii Raaskambooniyiinta ka soo yeera maanta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com