Somaliland:Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir Oo Gaashaanka ku Dhuftay Sharciyadda Shirka ay Mucaaridku ku Baaqeen

0

Prof.-Xildhibaan-JiirMuqdisho(AGGM) Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in aanay xisbiyada mucaaridka awood u lahayn in ay qabtaan shirweynaha qaran ee ay ku baaqeen.
Xildhibaan Jiir oo shalay waraysi gaar ah siiyay Allgalgaduud, waxa uu tilmaamay in aanay xisbiyadu xaq u lahayn qabashadda shirka qaran ee abaabulkiisa ay wadaan, isla markaana ay isugu yeedhida bulshada ee shir qaran uu sharcigu u jideeyay hay’addaha u xilsaaran.

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Cumar Jiir, waxa uu ka hadlay siyaasada arrimaha dibada waxaanu sheegay in loo baahan yahay in wakhti la siiyo wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, isaga oo tilmaamay in muddada kooban ee uu xilka wasaaradaasi hayay wufuud tiro badan oo caalamka ka kala socday inay dalka yimaadeen.

“Haddii ay u jeedaan xisaabtayada ayaa gaar u shiraya taasi dambi uma arko in iyagu shiraan siyaasadooda qorsheystaan waxay doonayaan ka hadlaan dadka u soo bandhigaan, laakiin umadda iskugu yeedhisteeda hay’ad ayaa u xil saaran oo ah waaxda fulinta iyadaa ummadda u yeedhisteeda leh una maraysa sharciga, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Laakiin in la yidhaahdo ummaddu ha isku timaado oo shirweyne qaran ha la qabto ma haboonna. Ummadda wixii loogu yeedhayo ee laga tallo gelinayo waxa awood u leh xukuumadda oo ah waaxda fulinta.

Haddii ay mucaaridku leeyihiin kuma kalsoonin ha soo bandhigeen khaladaadka xukuumadda iyo goleyaasha cida ay doonayaan inay wax ka sheegaan, xaqna way u leeyihiin inay yidhaahdaan khaladaadkaas ayaa jira sidaa awgeed waxaan u arkaa in aanay haboonayn in cid kale ummadda iskugu yeedhi karto,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir.

Xildhibaanku waxa uu u soo jeediyay xisbiyadda mucaaridka in ay soo bandhigaan waxyaabaha aanay fulin xukuumaddu ee ay ballan-qaaday, kana waantoobaan in ay ku kacaan inay jabiyaan sharciga dalka u yaala, waxaanu yidhi, “Mucaaridka waxa laga rabaa xukuumadu waxay ballan-qaaday inay soo bandhigaan waxaanay fulinna, sidaa way u tilmaami karaan xaq way u leeyihiin waa waxa ay mucaaridka u yihiin, laakiin. shir qaran iskugu keen keena waxa weeye wixii jiray oo dhan kalsoonidii waan ka qaadnay annagaa samaynaynaa wax gaar ah taasina daw uma arko.”

Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir waxa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo xisbiyada mucaaridku ugu soo jeediyeen xukuumadda siyaasadda arrimaha dibada waxaanu yidhi “Siyaasadda arrimaha dibada Wasiirkii hore waa tii la bedelay Wasiir kanina waxa uu joogay dhawr bilood, socdaalo uu ku tagey England, Turkey, Kenya iyo waddamo kale intiina wufuud kala jaad-jaad ah way inoo timi waxaanay ku haboon tahay in muddo la siiyo.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com