Addis Ababa (AGGM): Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa isaga oo ku sugan dalka ku sugan magaalada Khartuum ee dalka Suudaan waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay nabad ka islaaxda dalka Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa kala hadllay mas’uuliyiinta dalka Suudaan in ay iska kaashadaan sidii dib loogu soo celin lahaa nabadii iyo xasiloonidii Soomaaliya oo sida uu sheegay ra’iisal wasaare Desalegn muhiim ah guud ahaanba gobolka.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya ee xiligan ka jirta dalka Soomaaliya lagala shaqeeyo sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ahaan Soomaaliya, isaga oo sheegay in hadda hormar aan sidii u badneyn laga gaaray arrimaha ammniga.
Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya laga taageero dhinaca nabad-galyada, beesha caalamkana ku gacan siiyaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen guulaha laga gaaray hormarka iyo nabad-galyada.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com