Madaxweyne Xasan Sheekh “Lama Xiri Doono Haweenka Ka Cawda Kufsiga”.

0

madaxweyne-xasan1-150x150Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xaqiijiyay inaanay ciidanka booliska xiri doonin haweenka ka soo cawda kufsiga, haddii ay dhacdo in baaritaan lagu sameeyo sheegashadoodana la baari doono iyagoo bannaanka jooga.

Ciidanka ammaanka iyo booliska Soomaaliya ayuu sheegay in la siiyo tababarro gaar ah oo jinsiga ku saabsan, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay si dhab ah horumar uga sameeyaan dhankaas.

Madaxweynaha wuxuu ka hadlay kulan maanta Muqdisho lagu qabtay oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay, kaas oo looga hadlayay sare u qaadidda doorka haweenka ee bulshada.

Wuxuu caddeeyay inay sameeyeen waax gaar ah oo dabagal ku sameyn doonta tacaddiyada iyo kufsiga haweenka. “Waa markii ugu horreysay oo ay dowladda qaadday tallaabooyin adag oo lagu difaacayo haweenka. Waxaan la nimid qorsheyaal qaran oo ah isku-dheellitirka jinsiga” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa haweenka ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan halganka ay ugu jiraan dhowrista xuquuqda bulshada nugul oo ay dumarku ku jiraan, isagoo dhanka kale tilmaamay inay dowladda ka go’an tahay abuurista xeerar iyo siyaasado cusub oo difaacaya birima-geydada.

Wuxuu haweenka u ballan-qaaday inay meelo sarsare uga sii jiri doonaan dowladda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com