Khartoum (AGGM): Madaxweynaha dalka Suudaan Jen Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay in ay si dhab ah isku bar bar taagto Soomaaliya si loo taageero ayuu sheegay hanaanka nabada bilowgga ah iyo waliba hormarka xiligan uu dalka ku talaabsanayo.
Madaxweynaha ayaa hadalka ka sheegay xalay ka sheegay shir mas’uuliyiinta Sudan iyo Itoobiya ay ku yeesheen magaalada Khartuum oo uu ka qeyb-galay raysul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, kaas oo looga hadlayay iskaashiga labada dal iyo mashruuc koronto oo Sudan looga soo xiriirinayo dhinaca Itoobiya.
Madaxweynaha Sudan ayaa tilmaamay in beesha caalamka looga baahan yahay xoojinta taageerada Soomaaliya ee ku aaddan dhisidda hay’adaha dowladda iyo horumarrada kale si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.
Wuxuu xusay in dowladdiisu ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo Ururka Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ugu mahad-celiyay gacanta ay ka geysteen geeddi-socodka nabadda Soomaaliya.
Beesha calaamka iyo dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa marar badan oo hore ku celiyay taageerada dowladda Soomaaliya oo hadda u muuqata sanadka kadib in ay ku idleysatay is khab khabsi iyo buuq siyaasadeed.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com