Fawzia Yusuf Oo Ka Qeybgaleysa Shir Madaxeedka Wadamada Africa Iyo France Oo Ka Furmaya Paris.

0

fowsiyaMuqdisho (AGGM): Wafdi balaaran oo ay hogaamineyso Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa maanta ka ambabaxay caasimadda Muqdisho , iyaga oo ku sii jeeda caasimadda Paris ee wadanka France, halkaasoo ay kaga qeybgali doonaan todobaadkan shir madaxeedka wadamada Africa iyo France .

Shir madaxeedkan oo ay ka qeybgali doonaan ugu yaraan 40 hogaamiye , ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xasilinta wadamada qalalaasaha ammaan xumo uu ka jiro oo ay ka mid yihiin Mali, Central African Republic iyo Soomaaliya , waxaana shir gudoomin doona Madaxweynaha Faransiiska  Francois Hollande.

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxaa u qorsheysan mudada ay ka qeybgaleyso shir madaxeedkaasi inay kulamo gaar gaar ah la yeelato madaxda lagu cazuumay furitaanka shirkaasi oo socon doona maalmaha Jimcaha iyo Sabtida .

Shirkani oo doodiisa ugu badan la iskula soo qaadi doono la dagaalanka argagaxisada ,burcad badeeda , dhaqaalaha ,horumarinta iyo isbadalka cimilada , ayaa waxa ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay muujin doontaa  baahida ay u qabto in laga taageero tayeynta iyo qalabeynta ciidamada milatariga iyo kuwa badda ,taasoo ay barbar socoto codsiga taageero howlgalo amni.

Shir madaxeedkii 25-aad ee dowladaha Africa iyo France oo lagu qabtay Magaalada Nice 31 May -1 June 2010 ayaa waxaa Soomaaliya uga qeybgalay Madaxweynihii hore ee KMG  Sharif Sheikh Ahmed .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com