Xiriirka Falaagada Al Shabaab Iyo Al-Qaacidda Oo Sii Xoogaysanaya.

0

alshababMuqdisho (AGGM): Warbixin cusub oo soo baxday oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in kooxda Al-Shabaab ay sii xoojineyso xiriirka ay la leedahay Al-Qaacidda marka loo eego ajandaha iyo afkaarta ay wadaagaan.

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo warbixin ka hadleysay Soomaaliya u gudbiyay golaha ayaa muujiyey walaaca uu ka qabo hoos u dhaca ku yimid dagaalkii lagula jiray Al-Shabaab oo weerarro ka fulisay dalalka gobolka.

Wuxuu sheegay in aanan Shabaab loo oggolaan in ay dib u soo kabtaan oo ay isa soo abaabulaan.

Mr. Ban ayaa wuxuu kaloo warbixintiisa ku xusay in Soomaaliya ay horumar sameyneyso, taasoo ku aaddan doorashooyin 2016 ka dhaca, hase yeeshee wuxuu sheegay in ay jiraan caqabado la xiriira dhismaha nidaamka dowliga ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com