Top News: Ra’iisul Wasaare Saacid: “Xukuumaddu Waxay Ku Adkaysanaysaa In La Siiyo Fursad Ay Isku Difaacdo”.

0

saacidMuqdisho (AGGM); Eedaymaha mooshinka ku xusan ee lagu dhudhuminayo kalsoonida xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku salaysan. Waxaa maqan xog-ogaalnimo rasmi ah.

Hadaba, si waafaqsan cadaaladda dabiicigaa (Natural Justice) iyo shuruucda dalkaba – waxaa xukuumaddu diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay, oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni dhisid buuxda.

Sidaas la’adligeed, ‘xukuumad ahaan’, waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay.

Go’aan kasta oo la gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo awaal.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com