Ra’iisal wasaare Saacid Oo Loo Diiday In Uu Hortago Mudanayaasha Baarlamaanka.

0

baarlamaanka11Muqdisho (AGGM):  Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday maanta inuu khudbad u jeediyo R/wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo arrintaas uu buuq weyn ka dhashay.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday in uu baarlamaanka horyimaado ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka dalbaday guddoonka baarlamaan loo ogolaado iska difaacida eedeymaha ay u soo jeedinayaan xildhibaannada ka soo horjeeda.

Xildhibaannada dood kulul ka yeeshay dalabka ka yimid ra’iisal wasaaraha ayaa markii danbe cod loo qaaday waxaa diiday oo maya ku codeysa 149 xildhibaan, halka 7 xildhbaan ay ogolaadeen, waxaana ka amaamusay oo aan wax cod ah dhiiban 75 xildhibaan. Sida ay horeyba u tabisay warbaahinta Allgalgaduud Media (Halkan Guji Kana Akhriso Qoraalkeeni Hore)

Intaa kadibna waxaa la guda-gallay dooda ku saabsan mooshinka ka dhanka ah xukuumada oo ay xildhibaannada ka dhiibanayeen aragtidooda, waxaana muuqata in labada cisho ee soo socta mudanayaasha baarlamaanka dhiiban doonaan doodooda.

Isku soo wada duuboo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa hore uga codsaday gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya inuu tago xarunta golaha shacabka si uu isga difaaco eedeeymaha ay xildhibaanadu u soo jeediyeen ra’iisal  Saacid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com