Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan In Faarax Topaz uu Xildhibaanada Baarlamaanka uu qal qalao ugu jiro sidii ay cod u siin lahaayeen mooshinka ay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh soo abaabuleen.
Faarax Topaz ayaa ayaa Xildhibaanada waxa gooni gooni mid walbaa ugu sheegay inuu ka dhigayo Wasiir haddii uu codkiisa siiyo.
Waxaa sidoo kale jira balan qaadyo xilal kala duwan ah iyo lacago laaluush ah oo uu balan qaadayay Faarax Topaz..
Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa durbaba waxa ay isu sheegeen balan qaadka Faarax Topaz, Xildhibaanada ayaa intooda badan waxa ay ku tilaameen balan qaadka Faarax Topaz mid lagu qoslo, maadaamada uu Faarax Topaz Xildhibaan walba si hoose ugu sheegayo inuu ka dhigayo Wasiir, Safiir iwm.
Isku soo duuboo Guri Ba’ayow Yaa Ku leh, waxaa leeys weeydiinayaa halka Faarax Topaz uu ka keenayo 275 Wasaaradood, amaba 275 Safaaradood waxaana Xildhibaanada ay la yaaban yihiin caqliga foorara ee Faarax Topaz.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com