Muqdisho (AGGM): Amaanka Magaalada Kismaayo oo faraha ka sii baxaya bilihi ugu dambeeyay ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dilal Qorsheysan iyo falal kale oo Amaanka magaaladaasi lidi ku ah waxaana intooda badan dilalkaasi lagu eedeeyay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
C/salaan Maxamed Tigow oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida isagoo Muqdisho ku sugan la hadlay Wrabaahinta ayaa ka dalbaday horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni in uu wax ka qabto dilalka qorsheesan ee ka dhacaya gudaha magaalada Kismaayo.
Siyaasigan ayaan waxa uu sheegay dilkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Kismaayo inuu ahaa nabadoonkii Beesha Gabooye ee Jubbooyinka, wuxuuna Axmed Madoobe ka dalbaday dadkii ka danbeyay dilka Nabadoonka gacanta in lagu soo dhigo.
Dhinaca kale wuxuu rajo ka muujiyay Khilaafka u dhexeeya Hogaanka sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya in xal laga gaaro isla markaana wax walba Dastuurka lagu dhameeyo.
Halkan Hoose Ka Dhagayso Fariinta Loo Diray Axmed Mdoobe
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com