Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in khilaaf ka dhex curtay gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo gudoomiye ku xigeenkiisa Mahad Cabdalla Cawad.
Khilaafka labadan mas’uul ayaa waxa uu salka ku hayaa ka dib marki gudoomiyaha Baarlamaanka oo dalka ka maqan Xildhibaano uu horboodayay gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo lacago ka soo qaatay Madaxweyen Xasan Sheekh ay u ololeeyeen Mooshin ka dhan ah Xukuumada R/wasaare Saacid islamarkaana laga dhigay in loo gudbiyay ku simaha gudoomiyaha Baarlamaanka waa isla Mahad Cabdalla Cawad uuna ka aqbalay
mooshinka ay soo gudbiyeen Xildhibaanada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu ku eedeeyay Mahad Cabdalla Cawad inuu u fududeeyay khilaafki u dhexeeyay
Madaxweynaha iyo R/wasaaraha inuu foowdo ka dhaliyo golaha shacabka iyo in Mahad Cabdalla Cawad qeeyb ka yahay
foowdadi ka dhacday golaha shacabka Axadi la soo dhaafay.
Xildhibaan ka mid ah Xildhibaanada ayaa warbaahinta Caalamiga ah ee Allgalgaduud Media waxa uu xaqiijiyay in
gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku eedeeyay Mahad Cabdalla Cawad “Mahad Maxaan Cunaa” uu la socdo inuu
Xildhibaanada u qeeybinayay lacagaha islamarkaana uu yahay laaluush qaate aan dhoowrayn sharciga, haba yarato’ena
aan qaadi karin wax mas’uuliyad ah.waa sida uu hadalka u dhigay Xildhibaanka’e
Xildhibaankan ayaa waxa kale oo uu sheegay in Mahad Cabdalla Cawad marki mooshinka la keenay Baarlamaanka waxa
uu sameeyay wax ay dhamaan Xildhibaanada la yaabeen lana arkay isagoo u baaqaya Xildhibaanadi ay laaluushaka ay
wada qaateen gacmahana isku garaacaya arintaas oo ay Xildhibaanada Mooshinka ka soo horjeeday u garteen inuu
leeyahay “SACAB SAMEEYA AMABA SACBIYA”, taas oo dhalisay Mudane ka mid ah Xildhibaanada inuu ka kaco kala
fadhiga Baarlamaanka oo irida hore laga soo celiyo si uusan uga bixin, mudanahaas oo magaciisa naloogu sheegay
Xildhibaan Cabdiqafaar”.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa waxa uu aad uga carooday Mooshinka aan dhameeystirnayn
kadib markii liiska Xildhibaanada soo gudbiyay la qariyay taas oo ay Xildhibaanada Mooshinka ka soo horjeeda ku
sheegeen inay hayaan xog cadeeymo leh sheegaysana in lagu been abuurtay qaar kamid ah xildhibaanada ka soo
horjeeday Mooshinka oo laga dhigay inay taageersan yihiin Mooshinkaa dhicisoobay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa waxaa laga soo sheegayaa inuu aaminsan yahay fikirka ah in Xildhibaanada ay
dhex dhexaad ka ahaadaan arrinta khilaafka Madaxda dowladda, kuna Xaliyaan Dastuurka, waloow isagoo dalka ka
maqan golihi shacabka uu Mahad Cabdalla Cawad ka dhigay goob lagu dheelo “Qamaarka” lacagna lagu kala helo.
Isku soo wada duuboo waa marki ugu horeeysay oo khilaaf baaxadan leh uu dhexmaro Gudoomiyaha Baarlamaanka
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ku Xigeenkiisa Mahad Cabdalla Cawad, waxaan khilaafkan sabab looga dhigay
safarki Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku tagay dalka Kuwait oo Xildhibaanada qaarkood ay u arkaan inuu ahaa shirqool
ay soo maleegeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo koox diimeedkiisa Damu Jadiid.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com