War Deg Deg Ah: Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac.

0

Breaking-NewsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose  ayaa waxa ay sheegayaan in magaaladaasi uu ka dhacay Qarax.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso lala eegtay mid ka mid ah Gaadiid ay saarnaayeen qaar kamid ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa uu sababay geerida mid kamid ahaa maleeshiyaada Raaskambooni oo saarnaa gaarigaas waxa kale oo reebay dhaawaca 7 kale oo ka tirsanaa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Waxaa dhawaanahan soo kordhaya Qaraxyada lala eegto gaadiidka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee ka dhaca gudaha magaalada Kismaayo Qaraxyadaas ayaana waxa ay aalaaba sababaan dhimashada iyo dhaawac soo gaara maleeshiyaadka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo waxaa ilaa hada ka hadlin Qaraxan Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com