Waxaa muuqata qilaafka madaxda in uu marayo heerkii ugu dembeeyey taas oo ay hada ugudubtey BFS. sida aan og soo nahay BFS isaga oo sita hogaankan sharciga isla markaana ah meesha u dembeysa ee laga sugayo xalka dhameystirka qilaafka ayaa lagu xantaa in uu yahay fadlan lacag kuu guma jirtee ee lacag ku shubo.
marka aad dib u sii raacdo sida baarlaamka ku yimaadeen ayaa aheyd lacag waana lagu dhaariyey sidaas oo ay ahaayeen ayaa waxay soo doorteen madax weyne isna lacag la baxay kana guuleystey kuwii kale ee lacagta la baxay. hadaba ayada oo taas la soo marey wax lawada ogyahayna ay tahay ayaa muuqata qilaafka hada yimid in uusan waxba kaga duwaneyn wax yaabihiin aan soo sheegeney waana taas mida keentey guuxa dadweynaha in la isla dhaxmaro wax caalamka ay ugu muuqato si toos ah siyaasada laaluush wax ku naqoshada.
Guuxa dadweynaha waxaa fajac iyo amakaag ku noqotey dowlada Qadar oo mar walba lacag ladaba taagan kooxda Damul-jadiid waxayna aad ula yaaban yihiin sida gaarka ah oo ay xiriirka hoose ula leedahay Damul-jadiid waxayna is weydiinayaan ma dalkii ayaa ku yaraadey mise qeyb ka mid ah ayaa laga ii binayaa dalka soomaaliya mise ganacsiga dalka ayey la wareegi doontaa ama dhaqaalaha dalka oo dhan koley waxbaa jira nina xoolohiisa meel cidlaa kuma shubo .
Hadii Damul-jadiid dhaqaalahaas u qeybiyaan Baarlaamaanka oo dhan ma waxay filayaan in ay guuleystaan? guuxa dadwenuhu wuxuu cadey nayaa oo hadalkoodu u batey in baarlaamaanku uusan lacag kasta oo lasiiyo ay qaadanayaan wax ka celinayana aysan jirin marka dib usii raacdo koox diimeedkii lacagta bixin jirey waxaa ugu weynaa Aallo Sheeq oo waliba ahaa kuwo ka farsamo badan Damul-jadiid hase ahaatee wax afka ciida u galiyey oo banaanka dhigey waa BFS waxaana iska cad in baarlaamku aysan jecleyn siyaasadaha koox diimeedka ku saleysan waxayna hada arintu u muuqataa Bixi lacagta iskana tag. fursada kaliya hadaa muuqataa oo u hareysa Damul-jadiid ayaa ah madax weynaha kaliya oo sii jooga inta kalana waxaa sii wadi doona wasiirada inta ka imaan kara baarlamaanka oo aan sal kula heyn koox diimeed.
Gabagabdii guuxa dadweynuhu waxay tan kun tilmaameen iyagoo waayo arag u soo ahaa wax badan in ay tahay Geeridii Damul-jadiid iyo Guushii Baarlaamka Fedaralka Soomaaliyeed.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com