Muqdisho(AGGM)Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dowladda Somalia Cabdi Shakuur Cali Mire oo ay isku heyb yihiin Ra’isulwasare Saacid ayaa mudo dheer kooxda Damu Jadiid u basaasayay Saacid,sida ay ku xog warameen hoowlwadeeno ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaraha.
Hoowlwadeenadu waxay tibaaxeen in Saacid marna wax shakiya ka qabi jirin Cabdi Shakuur Gaal eri,isagoo ula dhaqmi jiray sida wiilkiisa waloow uusan aqoon u laheyn.
Hoowlwadeenadu waxay tibaaxeen in Saacid marna wax shakiya ka qabi jirin Cabdi Shakuur Gaal eri,isagoo ula dhaqmi jiray sida wiilkiisa waloow uusan aqoon u laheyn.
Cabdi Shakuur Gaal eri oo Tifaftire ka ahaan jiray Website-ka Gedonet marna kuma guuleeysan inuu Ra’isulwasaraha ka helo xog muhiima ama dukumiintiyo laakiin wuxuu maalin walba gudbin jiray warar been abuura oo isaga uu sameeystay iyo warar la xiriira dhaqdhaqaaqyada Ra’isulwasaraha,sida fikrada uu aaminsan yahay,cidda uu la xiriiro iwm..
Cabdi Shakuur Gaal eri oo mudo dheer isqarinayay ayaa markii uu biloowday khilaafka Ra’isulwasaraha iyo Xulufada Damu Jadiid wuxuu ka saftay dhinaca Faarax Topaz ,isagoo hawada ka saaray barnaamijkii Waxqabadka Xukumadda Ra’isulwasare Saacid ee sanadkii la soo dhaafay.
Cabdi Shakuur Gaal eri oo Tifaftire ka ahaan jiray Website-ka Gedonet marna kuma guuleeysan inuu Ra’isulwasaraha ka helo xog muhiima ama dukumiintiyo laakiin wuxuu maalin walba gudbin jiray warar been abuura oo isaga uu sameeystay iyo warar la xiriira dhaqdhaqaaqyada Ra’isulwasaraha,sida fikrada uu aaminsan yahay,cidda uu la xiriiro iwm.
Cabdi Shakuur Gaal eri oo mudo dheer isqarinayay ayaa markii uu biloowday khilaafka Ra’isulwasaraha iyo Xulufada Damu Jadiid wuxuu ka saftay dhinaca Faarax Topaz ,isagoo hawada ka saaray barnaamijkii Waxqabadka Xukumadda Ra’isulwasare Saacid ee sanadkii la soo dhaafay.
Ra’isulwasaare Saacid ayaa rumeeysan waayay in Cabdishakuur Gaal eri mudo dheer ula joogay qaab basaasnimo ah,waxaana waaga ku baryay markii uu maqlay inuu kooxda Damu Jadiid u qaabilsan yahay dacaayadeyntiisa. Gaal eri oo aan laheyn aqoon,ahna qof aad u liito oo ku rafaadsanaa dalka Ingiriiska waxaa Wasiir ku xigeen u magacaabay
Ra’isulwasaare Saacid,wuxuuna ugu dambeyn noqday naagtii tiri {ISTUBIDKA DIBADA JOOGA ,KAN GUDAHA KU JIRAA DHAAMO}
Cabdi Shakuur Gaal eri oo la rumeeysan yahay in Mustaqbalkiisa siyaasadeed god dheer ku riday wuxuu naawilayaa in Wasiir buuxa loo magacaabo sida uu saaxiibadiisa u sheegtay.
Falka Cabdi Shakuur Gaal eri kula kacay Ra’isulwasaare Saacid wuxuu dhaawacay qalbiyada wanaagsan ,iyadoo tani ay ka marqaati kacday inaan Somalida maanta la aamini Karin.
Xigasho:Waagacusub.com
By Dahir Alasow
dahiralasow@yahoo.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com