Muqdisho(AGGM)Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi xildhibaano ah oo uu hogaaminayay ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoo garoonka ay ku soo dhaweeyeen guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Wasiiro, iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo ka soo noqday dalka Kuwait oo ay kaga qeyb galeen shir madaxeedka carabta iyo Afrika oo lagu qabtay dalkaasi.
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii lagu soo dhaweeyay garoonka, ka dib qeybta nasashada garoonka kula hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay safarkiisa, isagoo ugu horeyn ka mahad celiyay sida heerka sare ah ee wafdigiisa loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay shirkii Kuwait magaca madaxweynaha Soomaaliya in uu kaga qeyb galay, islamarkaana ay ka qeyb galeen 77 dal, waxaana aan gaarsiiyay arrimo la xiriira Soomaaliya.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay intii halkaasi uu ku sugnaa in shirar gaar gaar ah uu la qaatay madaxdii isugu timid shirka islamarkaana uu kala hadalay arrimaha Soomaaliya iyo horumarada ay ku tilaabsatay.
Maal mihii la soo dhaafay ayaa waxaa wadankaasi ku sugnaa mas’uuliyiin ka socotay wadamada carabta iyo Afrika kuwaa oo ka qeyb galayay shir madaxeedka carabta iyo Afrika, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu hogaaminayay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya,,waxaana looga hadlayay iskaashiga wadamada carabta iyo Afrika.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com