Xiisada U Dhexeysa Dawladaha Kenya Iyo Britain Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Kenya Shirkado Dalkaas Laga Leeyahay U Diiday Qandaraasyo.

0

KENYA AND BRITAINNairobi (AGGM): Xidhiidhkii ka dhaxeeyay dalalka UK iyo Kenya oo muda dheer soo fiicnaa ayaa hada maraya meeshii ugu hoosaysay kadib markii dalka Kenya iyo dalal kale oo reer galbeed ah ay fadhigii udambeeyay ee UNSC diideen in dib loo dhigo maxkamadaynta madaxweynaha Kenyatta iyo kuxigeenkiisa Willium Ruto.

Dowlada Kenya ayaa cambaaraysay dowlada UK oo ay ka filaysay inay u hiilin doonto maadaamo uu xidhiidh fiican ka dhaxeeyay.Dowlada Kenya ayaa ku dhaqaaqday talaabooyin dhowr ah oo ay kaga aargudanayso reer galbeedka gaar ahaan dalka UK, waxaana talaabooyinka ay Kenya qaaday ugu muhiimsan:

1) In dowlada Kenya ay joojisay shirkadihii ganacsiga ee dalka UK ee qandaraaska ku qaadan jiray mashaariicda waa weyn ee dowlada ee loo yaqaan Mega projects.Tusaale Kenya waxay soo bandhigtay mashaariic weyn oo ah soo dhoofinta iyo xidhida qalabka(security surveillance system) oo laga hirgalin doono guud ahaan Kenya.Mashaariicdan waxaa la sheegay inay ku baxayso 20 bilyan oo shilikna Kenya ah waxaana shardi looga dhigi in mashaariicdan ay fulin karaan oo kaliya shirkado laga leeyahay dalka China oo kaliya.

2) Baabuurta Booliska Kenya waxaa awel hore qandaraas ku haystay shirkada UK ee sameysa baabuurta Land-roverka loo yaqaan booliska Kenya isticmaalo.Qandaraaskaas hada waxaa loo wareejiyay shirka Chinese ah oo la yiraahdo Cherry Tiggo.

3) China waxaa sidoo kale la siiyay qandaraas lacag aad ufarabadan ay ku baxayso oo lagu dhisayo jid tareen oo isku xidhi doono magaalooyinka Mombasa,Nairobi iyo Malaba.

Dowlada UK ayaa sanad kasta 10 kun oo ciidanka militariga UK usoo diri jirtay Kenya si ay ugu soo tababartaan, arintaas oo hada aan muuqanin.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka xun go’aankii golaha amaanka ee qaramada Midoobay ayaa taariikhda markii ugu horaysay qaadacay shirkii dalalka common wealth ay ku lahaayeen Sirilanka isagoo kaas badalkiisii ka qeybgalay shirkii Kuwait.

Lama oga talaabada ee UK qaadi doonto mar hadii shirkadahoodii laga joojiyay qandaraasyadii ay ku haysteen dalka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com