Maxaa Kala Socotaa Mooshinka Mahad Cabdalla Cawad Iyo Faarax Sakiin Horboodayaan Ee Laga Soo Abaabulay Xafiiska Madaxweynaha.

0

topazIyadoo Baarlamaanka Soomaaliya uu ku jiro fasax todobaad ah, maadaama Xarunta Golaha shacabka ay ka socoto qalabeyn iyo kuraasyo rakibid ay waddo dowladda Shiinaaha, ayaa hadana waxaa Hotelada Muqdisho ka socda shirar kala duwan oo loogu diyaar garoobayo shirka soo socda ee uu Baarlamaanka ka yeelanayo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Olole ballaaran ayaa ka dhex socda baarlamaanka dhexdiisa oo ku aadan kala jiidasho iyo kasbasho xildhibaanada oo ku aadan sidii codkooda loo heli lahaa, marka ay timaado kala baxa Baarlamaanka ee khilaafka labada mas’uul ee ugu sareeyey dawlada federaalka ah kuwaasoo kala ah madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Wararka saacadihii u dambeeyay naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegayay in tirada mudanayaasha baarlamaanka ee Hiil Dastuur iyo Dimuqraadiyada ay kor u dhaafayaan 148 xildhibaan, iyadoo aqlabiyad ahaan ay muuqato tirada xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan go’aanka R/wasaaraha.

Dhinaca kale xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isagana waxaa u ololeenaya saxiixna ka qaadaya Xildhibaanada gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad iyo Faarax Sakiin oo maalamahan ku mashquulsanaa qeeybinta lacago laaluush ah oo laga keenay dalka QATAR Hase ahaatee waxaa shaki uu ku jiraa tirada ay heleen in cod ahaan loo helayo iyo in kale, dadka qaar ayaa aaminsan in saxiixa uu halkiisa yahay, horayna ay u jireen xildhibaano mooshin saxiixay oo ka laabtay, arrinta kama dambeysta ahna ay tahay marka baarlamaanka la isugu yimaado, isla markaana la helo saddex meelood labo meel oo ah 139-cod.

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad Iyo Faarax Sakiin ayaa waxa ay Hotelada qaarkood ka furteen xafiisyo ay joogaan shaqaale waxayna la dhex wareegayaan form ama warqado diiwaan gelin xildhibaanada u ololeynaya mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha ee kalsoonida baarlamaanka, iyadoo marka uu Xildhibaanka formka buuxiyo ay daba socoto lacag kaash ah oo la siinayo.

Daawo Warqada Mahad Cabdalla Cawad Iyo Faarax Sakiin Ka Saxiixayaan Xildhibaanada.
moshin-saacid

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa uu garan waayay hoowshi loo idmaday ee ahayd in Baarlamaanka uu eego khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo R/wasaaraha balse waxa uu ku mashquulsan yahay in uu horboodo hoowl aan ahayn hoowshi u taalay.

Waxaa sidoo kale jira in la hayo cadeeymo cad cad oo isugu jira maqla iyo muuqaal oo muujinaya Mahad Cabdalla Cawad oo lacago u qeeybinaya Xildhibaanada qaarkood weliba isaga oo Xildhibaanada u balan qaadaya dhaqaale iyo mansab.

Kulanka ugu soo horeeya ee baarlamaanka ayaa dhici doona maalinta sabtida ee soo socota, sida uu qabo dastuurkuna waa in looga hadlo Khilaafka Madaxda sare ee dalka, balse ma ay ahan in Mooshin laga keeno Xukuumada amaba la marin habaabiyo dadka iyo dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa waxa uu ku mashquulsanaa furitaan ciyaar kubada cagta ah iyada oo ay gobolada Sh/Dhexe Iyo Sh/Hoose ay ka dhaceen xasuuq dad badan ku hoobteen, iyo fatahaada webiga shabeelle.

Madaxweynaha ayaa markuu dhawaan booqday kana soo laabtay isaga oo aan wax dhexdhexaadin ah u sameeyn beelaha ku dagaalamaya deegaanada gobolka Sh/Dhexe.

Inkastoo khilaafka uu taagan yahay, hadana howsha labada xafiis ayaa ah mid socota, Madaxweynaha ayaa shalay kormeeray Iskuul iyo Dekeda Muqdisho, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna waxaa uu kormeeray Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga iyo isbitaalka Xalane oo ay ku jireen dhaawacyada dadkii laga soo qaaday Beledweyn ee weerarkii saldhiga booliska ku dhaawacmay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, kadib markii uu kaga qeyb galay dalka Kuwait shir madaxeedka Carabta iyo Afrika oo uu ka baaqday Madaxweynaha.

Isku soo wada duuboo lama oga sida xaalka ku dambeyn doono, waxaana dadka Soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibediisaba la sugayaa go’aanka baarlamaanka uu qaadan doono, waxaa isha lagu heyn doonaa sida baarlamaanka u soo afjari doono khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com