Dhageyso: Xildhibaan Faysal Warsame Maxamed ” Moowshin Laga Soo Gudbiyay Xukuumada Gudoonka Baarlamaanka Nooma Sheegin”.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Bulshada Ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Faysal Warsame Maxamed oo u waramayay idaacada VOA ayaa waxa uu sheegay in moowshin aan la oran karin ilaa uu gudoomiyaha baarlamaaka ku dhawaaqo in uu yahay moowshin waana sharci daro in loogu yeero moowshin.

Dhinaca kale xildhibaan Faysal ayaa waxa uu sheegay in gudoonka Baarlamaanka uusan u sheegin xildhibaanada in xildhibaano ay soo gudbiyeen moowshin.

Sidoo kale Xildhibaan Faysal ayaa waxa uu sheegay in 146 xildhibaan oo kasoo horjeeda Moowshin in laga gudbiyo Xukuumada ay maanta kulan qado ah yeesheen kadib marki ay maqleen moowshin in laga gudbiyay xukuumada R/wasaare Saacid.

Halkan Hoose K Dhagayso Xildhibaan Faysal

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com