Muqdisho (AGGM): Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Faransiiska ayaa beenisay in nin u dhashay dalkeeda oo ku xiran Garoowe uu yahay jaajuus, sida uu sheegay maamulka Puntland.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee France oo lagu magacaabo Romain Nadal ayaa sheegay in ninka Faransiiska ah iyo nin kale oo British ah ay xiran yihiin ilaa Khamiistii la soo dhaafay.
Wuxuu sheegay inay kala shaqeynayaan dowladda Britian sidii xorriyaddooda dib loogu soo celin lahaa Quentin Ygorra oo Faransiis ah iyo Alasdair Walton oo Ingiriis ah.
Romain wuxuu sheegay in muwaadinka Faransiiska uusan ahayn jaajuus, balse uu yahay shaqaale hay’ad gaar loo leeyahay.
Wasiirka ammaanka ee Puntalnd, Khaliif Ciise Mudan ayaa Isniintii sheegay inay labada nin yihiin jawaasiis, lana qabtay iyagoo ku guda jira howlo la xiriira basaasnimo iyo la bixidda khayraadka dabiciiga ah ee gobolka.
Labada nin ayaa u shaqeynayay hay’ad lagu magacaabo Oversight International, oo qaabilsan ammaanka, taas oo ka diiwaan-gishan Puntland. Labo ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ee hay’adda ayaa sidoo kale xiran.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com