Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Saacid Oo Booqday Dhaawacyada Weerarkii Saldhigga Beledweyne Iyo Wasaarada Gaashaandhiga.

0

IMG_7208Muqdisho, November 20, 2013—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shalay kooxaha nabadiidka ay ku qaadeen saldhiga degmada Beledweyne kuwaasoo isla shalay dawladdu u dirtay diyaarado lagu soo daabulo si ay u helaan daweyn deg deg ah.

Dhaawacyadan oo ay tiradoodu gaareyso 13 una badan dad rayid ah ayuu Ra’iisul wasaaruhu ku booqday qolalkooda, wuxuuna alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

“Runtii dadkan waxaa dhibaateeyey gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, dawladduna waxay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay in kooxahan nabad diidku ay marayaan marxaladdihii ugu dambeeyey ee dhamaadkooda.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha sar sare ee ciidanka xooga dalka, waxaana ku wehlinayay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xafiisyada wasaaradda oo ay xilligaasi ka soconayeen howlo baaxad leh oo ku aadan maamulka ciidanka. “Mudnaanta dawladda waa amniga iyo xasilinta dalka, dawladda Soomaaliyana waxaa ka go’an xoojinta tababarada ciidamada, kor u qaadidad adeega caafimaadka ee ciidanka, qalabeynta iyo mushaaraadkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka.

IMG_7280 IMG_7248 IMG_7309 IMG_7289 IMG_7282

IMG_7208

IMG_6937

IMG_6960

IMG_7047

IMG_6974

IMG_7080

Ayuub Ismaaciil Yuusuf
Press officer
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com