Siyaasiin Madaxda Kenya Ugu Baaqay In Soomaaliya Laga Soo Saaro Ciidamada Kenya.

0

KINDIKI-RUTONairobi (AGGM): Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada Jubilee iyo TNA ee dalka Kenya ayaa weydiistay madaxda dalkaasi inay ciidsamada Kenya ay ka saaraan dalka Soomaaliya maadaamada golaha amaanka ee Q,M ay ka biyo diideen in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada M/weynaha iyo M/weyne ku xigeenka dalkaasi uga socota maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC.

Kithure Kindiki oo madax ka ah xisbiga Jubilee ee talada wadanka Kenya haya iyo gudoomiyaha xisbiga kale ee TNA Johnson Sakaja oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday duleedka magaalada magaalada Nairobi ayaa ka codsaday M/weyne Uhurru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto inay qaataan go’aanka ah in ciidamada Kenya laga saaro dalka Kenya.

Labadaan mas’uul waxay ku doodayaan inay muhiim tahay in dawlada Kenya ay joojiso sii mid ahaanshaha howlgalka AMISOM maadaama golaha amaanka uu dhawaan iska diiday in dib loo dhigo maxkamadaynta madaxda Kenya sida M/weynaha iyo ku xigeenkiisa.

“Q,M ma xushmeyn madaxdeena annaguna waxaan qabnaa in madaxdeenu ay qaataan go’aanka ah inay joojiyaan howsha ciidamadeenu ka wadaan Soomaaliya” waxaa sidaas yiri Kithure Kindiki oo ka tirsan madaxda Xisbiga Jubilee waxaana uu intaa ku daray inay muhiim tahay in madaxda dalka Kenya dajinta xaalada Soomaaliya faraha kala baxaan oo ay u daayaan golaha amaanka ee Q,M.

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga TNA Johnson Sakaja ayaa asna soo jeediyay in dawlada Kenya ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya isla markaana xeryaha qaxootiga lagu xiro muddo 6 bilood gudahood ah.

Johnson Sakaja waxaa uu yiri “Xeryaha qaxootigu ku jiraan dhibaato amaan ayay nagu hayaan waa inaan iska xirnaa ciidamadeenuna dalka dib ugu soo laabtaan”

Ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga waxay dalka soo galeen ayagoo aan wax fasax ah ka heysan dawladii xilligaas dalka ka jirtay hase ahaatee mar dambe ayay ku biireen howlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka socda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com