Madaxwene Xasan Shiikh Oo Cambaareeyay Weerarkii Saldhigga Booliska Beledweyne.

0

XasanMuqdisho, 19 November 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u direy dhammaan dadkii waxyeelada ka soo gaartey qaraxii maanta ka dhacay saldhiga Booliiska ee Beledweyne.

Ciidamada Dowladda iyo maamulka Gobolka Hiiraan ayaa baaritaan wada oo ku aadan sida falka u dhacay iyo khasaaraha inta uu la egyahay iyo sidii dabagal loogu sameyn lahaa sababta keentay falkan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “ Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan inta waxyeeladu ka soo gaareen qaraxii maanta. Waxaa dhammaan shacabka ugu baaqayaa inaysan ka niyad jabin oo aysan rumeysan argagaxa ay wadaan kooxahan nabad-diidka ah.

Al-Shabaab bacdamaa looga adkaaday dagaalka ayaa waxey ka badin la’yihiin inay shacabka laayaan oo ay geliyaan argagax iyo cabsi joogta ah. Dowladda waxaa ka go’an inay dalka ka cirib-tirto kooxahan shacabka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com