Kismaayo (AGGM):Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in guri guri maanta loo baartay guryaha beesha Sade ee magaalada Kismaayo.
Baaritaanka ayaa waxaa si wadajir ah u fulinayay ciidamada Kenya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
Guryaha la bar tilmaameedsaday ayaa waxa ay dhamaantood ku yaalaan xaafada Guulwade ee magaalada Kismaayo.
Todobaadyadi tagay ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay tacadiyo isugu jiray Dil, Dhac, Kufsi oo loo geesanayay dhamaan dadka aan u nasab sheegan maleeshiyo beeledka Raaskambooni, falalkan foosha xun ayaa waxaa si wadajir ah u fulinayay ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka u adeega ee Raaskambooni.
Dhinaca kale labada nin ee ku bahdilan magaalada Kismaayo waa Maxamed Ugaas Xaashi iyo Isbatoore Fartaage ayaa haba yaraato’e wax hadal ah ka soo bixin oo la xiriira dhacdadan maanta lagu baartay guryaha dadka ka soo jeeda beesha Sade.
Isku soo wada duuboo oo dhacdooyinka foosha xun ee ka dhacaya magaalada Kismaayo ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in ay noqonayaan kuwo maalinka ay mudan tahay jawaab laga bixin doono.
Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com