Col. Warfaa '' Axmed Madoobe Ma Diifaacan Karro Kismaayo,Hadii Aan Kiiniya Difaacin ''

0

warfaa-240x3001Kismaayo(AGGM) Col Warfaa Shiikh Aadan Faroole oo ka mid ah Saraakisha ciidamada dawlada federaalka ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan ciidamada dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ee ku kala sugan Gedo Iyo Jubooyinka,iyo dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Col Warfaa waxaa uu horey ka hadlay Mushaharaad ciidamada dawlada maanta ay qaybiyeen waxaana uu sheegey inay mushaharaadkaasi qaateen in ka badan 3 kun oo askari kuwaasi oo hadda ku kala sugan degmooyinka Gobolka Gedo,waxaana uu sheegey in askartaas maanta la gaarsiiyey mushahar dhawr biilood ah.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay Axmed Madoobe  waxaana uu ku eedeyey inuu Axmed Madoobe isagu yahay Alshabaab isla markaasna waligiis Alshabaab ahaa,waxaana uu sheegey inaysan wax xariir ah oo ka dhexeya ciidamada Dawlada ee uu hogaaminayo Bare Hiiraale Iyo Alshabaab isagoo sheegey in kooxda Axmed Madoobe ay awood ku raadsanayaan inay Alshabab ciidamada dawlada ku tilmaamaan.

Col Warfaa waxaa kale oo uu ka hadlay Dagaaladii dhawaan ka dhacay kismaayo isagoo sheegey inay dagaaladaasi u dhexeyeen ciidamada dawlada federaalka ah oo uu ku tilmaamay in la weeraray isla markaasna ciidamada kiiniya xoog kaga saareen Magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegey inaysan Jabhadda Raaskambooni awood u lahayn ay ciidamadaasi kaga saari kareen kismaayo.

Col Warfaa waxa uu sheegay inay Jabhadda Raaskambooni ay yihiin Alshabaab isla markaasna hore uga tirsanaan jireen Alshabaab,waxaana uu sheegey inay ciidamada kiiniya kaga raadsanayaan awood isla markaasna saxafada u sheegaan in ciidamada dawladu yihiin Alshabaab.

Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa ” Meesha Bare Hiraale Ka noqday Alshabaab,Axmed Madoobena Uusan Alshabaab Ahayn Bal Farisira idinku,Tan kale Arrintan waxay ku qaldeen ciidamada kiiniya,mana ah wax sii socon doonaa,dalkana soomaali baa leh, Axmed Madoobe hadii uu awood leeyahay ha difaacdo kismaayo,waanu ku soconaa,xoogna waan uga saareynaa ”’.

Dhinaca kale waxaa uu sheegey inay dhawaan ciidamada dawlada federaalka ah ee soomaaliya dib ugu laabanayaan Magaalada kismaayo kuna qaadayaan dagaal saf balaaran ah,waxaana uu sheegey inaysan awood u lahayn in kooxda Axmed Madoobe ay difaacato gacan ku haynta Magaalada kismaayo.

Col Warfaa waxaa uu wacad ku maray inay gacan ku haynta Magaalada Kismaayo ay dib ugu soo laabaneyso shacabka soomaaliyeed & ciidamada xoogga dalka oo uu ku tilmaamay inay hadda u diyaarsan yihiin inay weeraro culus ku qaadaan kismaayo,waxaana uu sheegey inay kooxda Axmed Madoobe waddo cad kismaayo ka mari doonaan.

Ugu dambeyntii Col Warfaa waxaa uu si cad u sheegey in ciidamada dawlada federaalka ah ee soomaaliya ay dhawaan dib ugu laabanayaan Magaalada kismaayo isla markaasna aysan sii joogi doonin Axmed Madoobe iyo kooxdiisu,waxaana uu sheegey inaysan u dul qaadan doonin waxyaabaha guracan ee ay ciidamada kiiniya ku dhaqmayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com