War Deg Deg Ah: Dagaalkii Oo Sii Xoogeystey Iyo Jabhadda Raaskamboni Oo Laga Gacan Sareeyo

0

breaking-news1Kismaayo(AGGM) Dagaalka ka socda Magaalada kismaayo ayaa galay marxalad adag,waxaana dagaalku ka socdaa nawaaxiga Madaxtooyada Axmed Madoobe,waxaana la sheegayaa in dagaalka ay ku soo bireen ciidamo hubeysan oo deganaa Warshadii hilibka,waxaana dagaalkan yahay mid xoogan oo gaadiidka dagaalku qayb ka yihiin.

Ciidamada Beeleedka la dagaalamaya kuwa Jabhada Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay dagaalkaasi horumar ka sameeyeen isla markaasna ciidamadii raaskambooni ku aruuriyeen Xarunta Madaxtooyada halkaasi oo ay difaacyo ka galeen,waxaana nawaaxigaas ka socda dagaal aad u culus.

Sidoo kale dagaalkan ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dad badan oo shacab iyo ciidamoba leh,waxaana la sheegayaa in qaar ka tirsan ciidamada jabhadda Raaskambooni nolosha lagu qabtey isla markaasna ay gacanta ku hayaan ciidamada la dagaalamayaan,waxaana la aaminsan yahay in dagaalkani yahay mid aad culus.

Sidoo kale wararka qaarkood ayaa sheegaya in gaari ay leeyihiin ciidamada raaskambooni gacanta lagu digey isla markaasna ay ku dul geeriyoodeen in ka badan 6 askari oo ka tirsanaa ciidamada raaskambooni walow aanaan warkaasi hubin balse ay sheegayaan iyadoo aan la gelin karin degaanada dagaalku ka socdo.

Ugu dambeyntii ciidamada badan oo hubeysan ayaa dagaalkan ku biirey isla markaasna waxaa dagaalkan la sheegayaa inuu sii xoogeysanayo islamarkaasna ay horumaro ka sameyanayaan ciidamada degaanaa warshadii hilibka ee kismaayo kuwaasi oo maanta la dilay 4 nin oo ay isku hayb yihiin.

Kala Soco Wararka Kordha dagaalkaasi Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com