Ra’iisal Wasaaraha oo Sheegay in Soomaaliya aad ugu Hanweyn Tahay Shirka Brussels iyo Heshiiska Caalamka (Sawiro)

0

IMG_1510Muqdisho(AGGM) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo maanta si rasmi ah u furay kulankii guddi hoosaadka Heshiiska Caalamka ee loo yaqaano New Deal ayaa muujiyay sida weyn ee loogu hanweyn yahay shirka Brussels ee qorshahan lagu fariisin doono.

“Waxaan aad ugu qanacsanahay inaan isfaham buuxa la yeelano caalamka intiisa doonaysa inay gacan naga siiyaan dib-u dhiska iyo horumarka dalkeena. Waa mid aan hormuud ka nahay noona ogolaanaya inaan baahideena gudbisano, sida aan rabnana naloogu taageero,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo khudbo kooban ka jeediyay kulankii maanta ay yeesheen hawl-wadeenada isku jira ee qorshaha New Deal.

Nick Westcott oo ah Agasinka Midowga Yurub ee Arrimaha Bariga Africa oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in wali laga shaqaynayo heshiiskii Soomaaliya iyo bulshada caalmka ee doonaysa innay Soomaaliya taakulayso. Waana hawl socon doonta inta laga gaarayo Sebteembar 16 oo ah marka uu shirku furmayo, ayuu yiri Nick. Waxaana uu intaas ku daray in qorshahani yahay mid Soomaalida lagu garab-qabanayo una suurto galinaya inay ka guul-gaaraan qorshohooda qaran.

Dhanka kale, waxaa isna arrrinta ka hadlay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo qorshahan ku tilmaamay mid xoojinaya xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo bulshada caalamka. Waxaana uu dawladda Soomaaaliya ugu baaaqaay innay la timaado baarnaamij dib-u dhis iyo horumar oo dhamays tiran.

Ra’iisall Wasaaraha ayaa sheegay innay xukuummaddiissu aqbashay qorshaha New Deal ayna dooonayso siday u heli lahayd qaabka ugu sahlan ee caalamku gaacan uga siin kaaro qorsha dawligaa. Waxaana uu sheegay innay shacbiga iyo dawladduba aad ugu han-weyn yihiin heshiiska labada dhican ee lagu wado innuu ka soo baxo shirka Brussells ee dhacaya Sebtembar 16.

DHAMAAD

IMG_1399IMG_1455IMG_1473IMG_1490IMG_14522IMG_1510