Qaraxyo Khasaare Sababay Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Walaweyn

0

qarax5Muqdisho(AGGM) Wararka Laga helayo Degmada Walaweyn ee gobolka Shabeelaha ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigey oo halkaasi ka dhacay ay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh oo soo gaarey ciidamo ka tirsan kuwa dawlada federaalka ah ee ku sugan degmadaasi,waxaana la sheegey inay qaraxyadaasi fuliyeen falaagada Alshabab.

Ugu yaraan 6 qof ayaa dhintay in kabadan 17 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii maanta laba qarax ay ka dhaceen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose. Qaraxyadan mid ka mid ah ayaa lala eegtay makhaayad ciidamada dawladu inta badan fariistaan.

Qarax koowaad ayaa lala eegtay makhaayad shaaha laga cabo oo la sheegayo inay isticmaallaan ciidamada dowladda, halka qaraxa labaad uu ka dhacay meel xafiis ah. Waxaana la sheegayaa in halkaasi ay ku nafwaayeen ciidamo dhawr ah iyadoo dhaawacyo culusi soo gaareen tiro kale oo ciidamo.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Wanlaweyn, Nur Axmed Nur ayaa VOA u sheegay in qaraxyadan ay ahaayeen nooca miinada, isla markaana midkood iyaga lagu bartilmaameedsaday, balse ay ka bad-baadeen. Waxaana uu gudoomiyuhu sheegey in qaraxyadaasi ay soo malageen kooxda Alshabaab oo uu ku tilmaamay inay naf caari yihiin.

Si kastey ahaataab Alshabab ayaa dagaalkoodii u bedelay qaraxyo xoogan oo ay la beegsadaan fariisimaha ciidamada dawlada iyo meelaha kale ee ciidamada dawladu ku sugan yihiin,waxaana inta badan qaraxyadaas waxyeelo badani ka soo gaartaan dadka shacab ah ee ku dhaqan gobolladaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com