Mustaqbalka Dhallinyarradda Iyo Midnimadda Dalka Waa Mid Haboon‏. By Hussien Abdullahi

0

307078_656796427680847_282846488_nNairobi(AGGM)   Dhamaan Umadda soomaaliyeed , shacabka iyo madaxda dalka , waxaan jecleystay inaan idiin soo bandhigo qoraalkan , oo aan kaga hadlayo arrimo badan ku sabsan dalkeena hooyo , waxaan kaga hadli doona laba qaybood , dhalinyaradda , iyo midnimadda dalka.

Dhalinyaradda:

Dhalinyaradda waa mustaqbalka wadanka , wadan walbo dhalinyarada ayaa mustaqbal u ah , waxaan raba inaan ka hadlo dhalinteena somaliyeed , hadan ka soo bilaabo dagaalkii ahliga ama sokeeye , waxa safka hore ku jiray oo wax dilayay waxna dhacayay , waxna kufsanayay waxay ahayeen dhalinyaro , waxaana dambeyay oo hogaminayay odayaal oo dan gar wata oo hogaamiya koxeed ahaa , waxa tahriibka ku dhamaaday oo badda iyo saxaraha iyo maxabiista ku dhin dhintay waxay ahayeen dhalinyaro , waxa illa hadda is qarxinaya marna gacmaha laga jarayo wa dhalin yaro ,dagaalka iyo dhibaatada Soomaaliya ka jirta waxay saameyn weyn u gaysatay dhalinyarada somaliyeed nooc walbo ay yihiin , kadib caruurta iyo haweenka , dhalinyarada somaliyed waxay ahayeen xaawada dabka lagu shido inta somaliya dagalka ka socday , iyaga la isku diri jiray , iyaga qoryaha la iskugu dhiibay , waxa meesha ku dhamaaday oo ku curyaamay oo aqoonta ku aaway , waxay aheen dhalinyarta somaliyed , iyagoo ogeen sababta ama hadafka ay u dhimanayan , oo la isticmaalayo , ama nin dan gaar ah wato oo hogaamiye kooxeed ah u isticmaalayo inuu ku dan gaaro.

Maanta fursad waxan haysana dhalinyarada somaliyed ee qurbaha ku nool oo dhan ay dalka u soo wada noqdeen badankoda iyagoo aqoon leh hadan hadaf horumar wata , hadii tix gelin weyn la siiyo dhalinyarada oo muhiimadda la saaro , in dhalinyarada ay ka qeyb qaatan horumarka dalka , lagana shaqeeyo sida lo dhisi laha aqoontooda , kuwa dalka dhexdiisa ku noolna la bari laha wax yaalaha u muhiimka ah waxan aaminsanahay Somalia ineysan dhiig danbe ku daadanenin , hadii dhalinyarta muhiimadda la siiyo oo fursada loo badiyo , lana mashquuliyo oo laga mashquuliya dagaaladan.

Waxan u baahanahay dhalinyaro aan aqoonin qabiil , dhiig la daadiyo , , dhalinyaro hadaf leh oo raba iney dalkooda hor mariyan ay ka dhigan dalalka ugu sareeya caalamka , aniga shaqsi ahaan waxan aaminsanahay Somalia iyo mareykanka isku mid iney yihiin maantay.

Wax walbo weynu haysana waxan u baahanahy kaliya dhalinyaro wax soo sar leh oo hadafkoda yahay dalkooda hooyo iney wax ka badalaan. Dhalinyarada waxay rabaan wacyi gelin badan in loo sameeyo , iyo shirar badan oo ku sabsan dood furan oo ay kaga hadlanyan ariimahooda o mowduucya badan noqon karta.

Midnimadda :
Waxa hubaal ah in maantay ay Somalia fursad aad u weyn ay haysato dhinac walbo , hadey tahay dhinac xiriirka caalamiga , iyo horumarka dalka gudahiisa , waxan haysana dowlad la aqoon san yahay hadana aan ku meel gaar aheen , waxa fursad lagu farxo ah in ay dalal badan ee aduunka ay u istageen iney dalkeena ka qeyb qataan horumarkiisa lakin waxa nasiib daro ah dadkeena qarkood iney fahimi la’yihiin muhiimada ay midnimada ledahay ama wada shaqeenta inagoo ka faideysanena danteena guud o ay u baahanyihiin umadda somaliyeed oo dhan.

Waxan raba inan ka hadlo oo arrintan goboleysiga ama LAND LAND , aniga shaqsi ahaan hadan ka hadlo federalism waxan ka aaminsanahay inuu yahay strategic lo dajiyay sida dalka loo kala goyn laha , ama qabiil qabiil wax loogu kala qeybsan laha , oo qabiil walbo intiisa goosan laha , lakin aniga waxan oran laha o aan aaminsaay mantay ninkii ku mashquulsan is qab qabsi ama goos goosi inuusan ka fikireynin danta guud ee umadda somaliyed , inta aadiga aadan ka hadlin booska aad qabsan lahed waxa fiican in aka fikirto inta caruur iyo dumar qaxootiyada naga daadsan oo u baahan in dalka loo nadiifiyo oo lagu so celiyo , inta shaqo oo na wada sugeysa in wax laga qabto.

Maanta mahan lamana taagna waqti lagu mashquulo is qabqabsi iyo qabiil , wa laga so gudbay wixi hore e yaa lagu noqon wixi hore , manta wa malintii lagu tala galay ina isla wada qaadno Somaliyeey Toos , maantay wa malintii aan is wada weheshan laheyn .
Waxaan huba oo aan marqaati uga bahneen , dumar badan iney qurbaha ku dhibteysan yihiin , hadii la kufsanayo , hadii ay silac ku noolyihin iyo hadii dhibatoyin kale o aan la soo koobi Karin haysato , lakin rajada kaliya ay leyihiin waxa waye dowladan , ama dadka u istaagay iney wadankan wax u qabtan.

Maanta lama taagna mana rabno ina hogaamiye kooxeed doorano , waxan rabna inan aqoon iyo horumar u gudubno , maantay inan qabiil wax ku raadino ama xumaan aan faafino wa laga fiican yahay , somaliyeey hadan mantay lala shaqeenin dowladan no dhisan o haybada iyo sharafta ilalhay siiyay o meel walbo laga so dhaweyay o albab walbo lo furay inaga is dab jareeno , waxaana la kalifaya in dad badan ay bara kacaan mar labaad dhalinyaro kale ay jabhaado sii noqdaan.

Maanta waa maalintii la rabay in la wada istaago , dhalinyaro , odayaal , haweenka , kuli la wada shaqeeyo oo quf walbo meesha u ka gaari karo inu wax ka qabto oo dalkan la iskugu tago o la wada dhiso , wan ogahay manta wad jeclaan lahed in basaboorkaga aduunka qiimo weyn ka lahaado oo la so raadsado , safaraddaha Somalia in saf loogu jiro , in wadankaga adiga ceyr loo soo doonto oo dadka ajnabiga uso qaxaan , in wadankaga oo dhaqalaha aduunka gacanta ku qabto , lakin intaas dhan hal nin ma sameen karo oo mar walbo la eedeenayo , waa ina aan iskugu wada taagna , hadaan rabno dal dhamestiran oo qiimo iyo sharaf leh.

Fiiro Gaar Ah :  Waxaan hadda Abaabul Ugu Jirnaa Sidii Aanu Isugu Xiri Lahayn Dhalinyarrada Soomaaliyeed Si Ay Uga Qayb Qaadan Lahayeen Dib U Dhiska Iyo Wada Shaqeynta Dawlada Iyo Shacabkeedda,Sidaas Darteed Waxaan Rabnaa Xiriirkiina Idinkood Mahadsan.

Waxaa Diyaariyey:

Hussein Abdullahi

Gudoomiyaha Hay’adda hosny foundation.

Hussein@hosnyfoundation.org

www.facebook.com/prf.hussein