Maqaal: Buugi Jubaland baalki ugu dambeeyay maanta ayaa la rogay (W/Q: Dr. Axmed Xalaal)

0

maqaal1London(AGGM) Bismillaah, arimaha jubooyinka waxey soo marayeen maraaxil kala duwan oo ku dhisan taxadar iyo kafiirsi labada dhinac ah, dowlada dhexe ee Soomaaliya waxey u dhaqmeysay qaab daganaansho ku jirto, sidoo kale maamulka kumeel gaarka ah ee Kismaayo wuxuu ku shaqeynayay si taxadar iyo feejignaan ku jirto, xaaladuna waxey laheed rajo wanaagsan in lees fahmo ilaa mar qura hawadii isbadashay, waaguna uu baryay Jubaland oo leh madaxweyne lagu doortay gacan taag eyna cidi la tartameynin, tallaabadaasi dadka taageersan Jubaland waxey u fahmeen guul soo hoyatay, halka dadka siyaasada indha-indheeya ey u arkayeen qar-iskatuur laga baxsan waayay, balse eysan ogeyn sababta dhabta ah ee keentay.

Maalmihii xigay waxaa soo ifbaxay arimo badan oo lagu fasiray sababta keentay qar-iskatuurka Kenya iyo xulufadeeda, dowlada Itoobiya oo markii hore aheyd safka Kenya ayaa mar qura isrogtay 180 degree, waxey af cad ku sheegtay in arimaha Jubooyinka looga dambeeyo dowlada Soomaaliya, intaa kuma ekeysanin ee hadal kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha itoobiya ayaa canaan kulul iyo digniin loogu jeediyay madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo caadifad intey qaaday si aanan laga fiirsanin taageero dusha uga riday Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, sidoo kale Norway oo lagu xamanayay in ey Kenya gadaal ka riixeyso damac shidaal oo ku jira awgeed ayaa af buuxa ku tiri “ ku taageeri meyno Kenya boobka dhulka Soomaaliya”.

Shirkii wasiirada arimaha dibada IGAD  ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ayaa waxaa kasoo baxay war-murtiyeed cadeeyay sababta keentay qar-iskatuurka Kenya iyo xulufadeeda Kismaayo, war murtiyeedka ayaa si cad loogu sheegay in “sharci darro” ey yihiin madaxweynayaasha tirada badan ee Kismaayo isku caleema saaray, waxeyna ku taliyeen in arimahaa looga dambeeyo dowlada Soomaaliya.

Su’aasha meesha kasoo baxday ayaa waxey tahay; Meeqa IGAD ayaa jirta? Axmed Madoobe wuxuu leeyahay IGAD ayaan taageera ka heestaa, halka IGAD ey leedahay kuma aqaano, arimaha sida ey u socdaan marki aad eegtid waxaa kuu soo baxaya  in Kenya ey isku dayeysay marki hore in ey ku qaraabato magaca IGAD oo ey jeebka gashato, balse marki leesla shir tagay laga tira batay, IGADne ey go’aan cad qaadatay, sidaane Kenya iyo xulufadeeda ey banaanka kusoo dhaceen.

Waxaa muuqata in maamulka Kismaayo isku caleema saaray uusan laheyn mustaqbal Ifaya, kubadune waxey taallaa garoonka dowlada dhexe ee Soomaaliya, hadii ey ku guuleysatay kaambiyadi koobaad ee siyaasada ku wajahan Jubooyinka, waxaa laga dhursugayaa sida ey u wajahdo kaambiyada labaad oo ah in si cadaaladi ku jirto ey u maareeyso arimaha goboladaa cakiran, ilaahey ha waafajiyo wixi qeyr ugu jiro umadan Soomaaliyeed si guud ahaaneed, iyo walaalaha daga goboladaas si gaar ahaaneed.

Wabillaahi Towfiiq

 

W/Q: Dr. Axmed Xalaal

Caadle2@hotmail.com